Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! codkaaa Puntlandrise.com

Madaxweynaha Cusub Ee Ururka Ardayda Somaliyeed Ee Uganda Oo Xilkii La Wareegay +Sawiro

Kampala-(GGN)- Waxaa Maal Mihii Lasoo Dhaafay Siweyn looga hadal hayey Doorashada Guud Ee Ururka Ardaysa Somaliyeed Ee Loo Yaqaan Somali Student Union In Uganda (SSU) Ururkaas Oo ah Ururka Keliya Ee Midee Dhamaan Ardayda Somaliyeed Ee Wax Ka Barata Dalka Uganda.

Doorashadan Oo Noqotay Midii Ugu Xamaasada Badnayd Ee Soo Marta Ururka SSU ayaa Waxaa Cod Aqlabiyad Leh Ku Guulaystay Mudane Musharax Maxamed Ahmed Warsame (Shirdoon) Oo Helay 30 Cod halka Musharixi la Tartamayey Uu helay 11 Cod

Baarlamaanka Codaynayey ayaa ahaa kuwo laga soo Kala Doortay 9ka Jamacadood ay dhigtaan Ardayda Somaliyeed Ee Wax Ka Barta Dalka Uganda Ardayda SOmaliyeed Ee Wax Ka Barata Dalka Uganda Ayaa Tiro ahaa lagu Qiyaasaa in Ka badan 2 kun Oo Arday

Si Kastaba ha ahaatee Doorashadan oo Dhacay Wiigii lasoo Dhaafay ayaa Habeenimadiii Xalay ahayd Waxaa Si Rasmi ah Xilka Ula Wareegay Madaxweynaha Cusub Ee Ururka Ardayda Somalieed Ee Uganda.( SSU) Mudane. Shirdoon.

Xaflada Xil Wareejinta Oo Kadhacday Triangle Hotel Waxaa Kasoo Qayb Galay, Ganacsato, Aqoon Yahano, Siyaasiyiin , Gudoomiyayaasha Jamacadaha , Ardayda.Ururda Bulshada, Hooyooyinka  iyo Madaxda Somali Community Ee Dalka Uganda

Sikastaba ha ahaatee Xaflada oo ahayd Mid Si Heer Sarre ah loosoo Agaasimay ayaa Waxaa Madasha lagu soo Bandhigay Wax Qabadkii Madaxweynihii Horre Ee Somali Students Union In Uganda Mudane Abdirashid Maxamud Husein (Shabeel) Wax Qabadkaas Oo uu Warbaahinta U Akhriyey Madaxweyne KuXigeenkii Ururka Xilku Ka idlaaday Axmed Maxamuud Maxamed Gees Waxqabadkaas oo Inta Badan Soo Jiitay indha Marti Sharafkii kasoo Qayb Galay Xaflada Ceelama Saarka Madaxweynaha Cusub.

Waxaa Sidoo Kale Madasha Ka Hadlay Gudoomiyaha Dhaqanka Beelaha Somaliyeed Ee Dalka Uganda Xaaji Xasan Cali Yariisow oo Sheegay Inay Soo dhaweynayaan Madaxweynaha Cusub Oo Kusoo Baxay Doorashadii Xalaasha ahayd Ee Dhawaan Uu Qabtay Hogaanka (SSU)

Ganacsade Abdulahi Yusuf Cilmi Oo ah Wakiilka Dawlada Puntland Ee Dalka Uganda Ayaa Madasha Ka hadlay Sheegayna inay Boagaadin iyo Amaanba Usoo Jeedinayaan Habka Dimuqraadiyada leh ee Ay ardayda Somaliyeed intay Doorasho U Galeen hadana Xilkaisugu Wareejinayaan Taaso ah Buu Yiri Masuulka Mid Ku Dayasho Mudan.

Wakiika Puntland ayaa Aad Ula Dardaarmay Madaxweynaha Cusub Mudane Shirdoon isaga oo sheegay in looga Baahan yahay Dulqaad, Dabacsanaan iyo Inuu Kashaqeeyo Horumarka Ardayda Somaliyeed Ee Codkooda Siiyey .

Intaas Kadib Waxaa Si Rasmi ah U bilaabatay Caleema Saarkii Madaxweynaha Cusub Ee Somali Students Union In Uganda Mudane Mohamed Ahmed Warsame Shirdoon Caleema Saarkan Oo ahaa Midii Ugu Qiimaha iyo Qaayaha Badnaa EE Abid Soo Mara Ururka Ardayda Somaliyeed Ee Uganda Ayaa Noqday Mid inta Badan ay sugayeen  Ardayda Somaliyeed Ee Wax ka Barata Dalka Uganda.

Waxaa Madaxweyne Shirdoon Si Rasmi ah Loogu Wareejiyey Dhamaan Wax Qabadkii Ururka iyo Boorsho Yar Oo ay ku Jiraan Dhamaan Qalabkii Ururka Somali Students Union In Uganda.

Intaas Ka dib Waxaa Madasha ka Hadlay Madaxweynaha Cusub Ee (SSU) Shirdoon ayaa Ugu Horayntii U Mahadceliyey Dhamaan Marti Sharafta Kasoo Qayn Gashay Xaflada Ceelama Saarka Madaxweynaha SSU.

Madaxweyne Shirdoon Ayaa Sheegay inuu Kashaqayn doono  Midnimada iyo Wadajirka Ardayda Somaliyeed Ee Uganda Sidoo kale Shirdoon ayaa sheegay inuu Ka dhabayn Doono Wax Qabadkii Uu Ka hor Qaaday Mudanayaasha Baarlamaanka Ee Doortay Wuxuu Xusay Waxqab Dhab ah la imaan doono

Madaxweynaha Urururka Somali Student Union In Uganda Ayaa sheegay Inuu  Soo dhisay Xukuumad Tabar, Tanaasul iyo Tayoba leh Taaso la Jaan Qaadi Karta Wacyiga Siyaasadeed Ee Ardayda Somaliyeed Ee Uganda Wax Ka Barata.

Shirdoon ayaa sidoo Kale Balan Qaaday Inuu Furi Doono Xafiis Uu Yeelan Doono Ururku Sidoo kale Madaxweynaha Cusub ayaa sheegay inuu Qaban Doono Tartano Ku Aadan Dhanka Quraanka Kariimka ah . Sportiga, kuwaas oo SSU Uga Goleedahay Isdhexgalka Bulshada SOmaliyeed ee Wax Ka Barata Uganda

Intaas Kadib Waxaa Madasha ka Hadlay Xoghayaha Guud Ee Somali Community Ee Dalka Uganda Mudane. Axmed Orormo  Isaga Oo sheegay Inuu ka Markhaanti Kacaya Habka Quruxda Badan Ee ay u dhacday Xil Wareejinta Ururka SSU Wuxuna Sheegay inay La shaqayn doonaan Madaxweynaha Cusub iyo Xukuumadiisaba

Axmed Oromo ayaa Sidoo Kale Sheegay in Madaxweynaha Xilka Wareejinaya Uu Qaban Wax Qabad ay Ku Faani karaan Dhamaan Ardayda Somaliyeed E Uganda.

Sikastaba aha ahaate Xafladan Waxaa Sidoo Kale Gabagadii Ka Hadal Dhamaan Gudoomiyaasha Jamacaada ay dhigtaan Ardayda SOmaliyeed Kuwaas Oo sheegay inay la shaqayn doonaan Madaxweynaha Cusub iyo Dawladiisaba Madaama ay Jaamacaduhu Hoos yimaadan Ururka Somali Students Union

Sikastaba ha ahaatee Madaxweynaha Cusub iyo Xukuumadiisa ayaa Looga Fadhiyaa Sidii ay u Fulin lahaayeen Balanqaadkoodii Sidoo kale Waxaa La sugayaa Wax Qabadka ay la Yimaadaan Xukuumadan Oo Talada Ardayda Hayn doonto Mudan Hal Sano Ah.

GalGalanews Kampala


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ceer3 Ogaysiis: Jaaliyada Maakhir Ee MN Waxaa Loogu Baaqayaa Inay Kasoo Qaybgalaan Shir Muhiim
- May 21, 2015
ogaysiinayaa Waxaa Dhamaan Dad waynaha Reer Maakhiree Minnesota u sheegaynaa ina aay ka soo ...
gaas-jaaato.jpg 2 Madaxweynihii Facebooga
- May 19, 2015
Madaxweynaha Puntland oo Doorashada ku soo galay ilaalinta Warbaahinta ayaa ka Cadhooday Qormooyin aan ...
maakhir2 Ujeedo: Baaq Kaso Baxay Beelaha Bah-Ogayslabe iyo Bahwadaagtooda.
- May 19, 2015
(Ceerigaabo Galgalanews) Beelaha Bah-Ogayslabe ayaa Baaqna Soo Gaadhsiiyay Degalka GalGalanews.com waxana ay kaga hadlayaa ...
Qoorsheel & Hawada Somalia VIDEO Dhaq-Dhaqaaqa Siyaasadeed ee Qorsheel
- May 17, 2015
(Nairobi Galgalanews) Beryahan waxa socda Shirar Goos Goos ah ay wadeen Siyaasiyiin Reer Sool ...
Madaxweyne_Xasan_Burundi_4-610x250 Burundi: Pierre oo dib ugu laabtay dalkiisa
- May 15, 2015
Madaxweyne Pierre Nkurunziza, ayaa waxa uu tagay magaalada caasimadda u ah dalka Burundi, ee ...
gaas-jaaato.jpg 2 Dr Gaas oo loogu Baaqay Isbedel Siyaasadeed
- May 15, 2015
(Garowe-Galgalanews) La-taliyaasha dhanka Siyaasada & Sharciga ayaa la sheegayaa inay Madaxweynaha PL Maalmihii la ...