Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! codkaaa Puntlandrise.com

Puntland:-Shir 7-Degmo lagu Horamarinayo oo Qabsoomay +Sawiro

Xarunta Madaxtoyda Garowe ayaa maanta 20 February,2013 lagu qabtey kulan looga hadlayey Horumarinta barnaamijka Degmooyinka Puntland ka socda ee Qaramada Midoobey wado JPLG.Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa shir gudoominayey ,waxana ka soo qaybgalay wasiirka Arrimaha Gudaha Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajiir ,wasiirka Qorshaynta Dr,Daa’uud Maxamed Cumar ,Wasiirka Gaadiidka iyo Hawlaha guud Eng.Daahir Xaaji Khaliif ,wasiir ku xigeenka Haweenka Caasho Maxamuud Axmed iyo hawlwadeenada Mashruucan.

Degmooyinka Bossaso ,Qardho ,Garowe ,Eyl ,Bayla ,Jariiban iyo Galkacayo oo golle deegaan laga sugayo ayuu ka shaqeeyaa Mashruucan ay ku midoobeen shan hayadood oo ka mida Qaramada Midoobey.

Kulankan ayaa si gaar ah looga hadlayay Baahinta Xukunka deegaanada fog fog oo Dowladaha hoose ,madaxda Maamulka iyo wasaraadaha bahwadaagta ahi ka doodeen islana falanqeeyeen qaabka ugu haboon ee loo dardargelin karo shaqada.

Dhowaan ayaa shan sanno oo kale lagu darey mashruucan oo badi awood dhaqaale siiyaa dowladaha hoose ee degmooyinka uu ka shaqeeyo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Gen.Cabdulaahi Ilkajiir ayaa ku tilmaamay JPLG mid faa’ido badan u keeney bulshada Puntland isagoona tilmaamayey wadooyinka .suuqada laga hirgeliyey iyo mashaariicda kale ee la socota.

Horey ayaa “Joint Program Local Goverments” JPLG waxa u amanaay Madaxweynaha Puntland waxqabadkiisa ,isagoona sheegey inuu yahay mid kamida mashaariicda dhaqalahooda gacanta loo geliyo Puntland si u dhistaan una horumarsadaan deegaankooda.

 

 

 

 

 

 

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

Berbera Town and Port Qaxootigii Ugu badnaa ee Yemen oo Berbera soo Gaadhay (VIDEO)
- May 22, 2015
Magaalada Berbera ee Somaliland waxa Gaadhay Markab sida Qaxooti ka soo Boqoolay Dalka Yeman' ...
IMG_3638 Jidkii Ceel-Daahir oo la Dhagax Dhigay (Sawiro)
- May 22, 2015
(Ceeldaahir-Galgalanews) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay ...
unnamed Odayaasha Baargaal oo ka hadlay Shirka Wada-tashiga PL
- May 22, 2015
Nabaoon Buruuj Cali Axmed oo kamid ah Nabadoonada Deegaanka Baargaal iyo Gobolka Garadafuu ayaa kahadlay ...
ceer3 Ogaysiis: Jaaliyada Maakhir Ee MN Waxaa Loogu Baaqayaa Inay Kasoo Qaybgalaan Shir Muhiim
- May 21, 2015
ogaysiinayaa Waxaa Dhamaan Dad waynaha Reer Maakhiree Minnesota u sheegaynaa ina aay ka soo ...
gaas-jaaato.jpg 2 Madaxweynihii Facebooga
- May 19, 2015
Madaxweynaha Puntland oo Doorashada ku soo galay ilaalinta Warbaahinta ayaa ka Cadhooday Qormooyin aan ...
maakhir2 Ujeedo: Baaq Kaso Baxay Beelaha Bah-Ogayslabe iyo Bahwadaagtooda.
- May 19, 2015
(Ceerigaabo Galgalanews) Beelaha Bah-Ogayslabe ayaa Baaqna Soo Gaadhsiiyay Degalka GalGalanews.com waxana ay kaga hadlayaa ...