Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Badhan:- Beel isugu Biyo Shubatay Taageerida Somaliland +Sawiro

Badhan:(GalGalanews) Beesha Xuseen oo ka mid ah Beelaha Degan Gobolka Sanaag Ayaa Maalmahan waday Abaabul ay Ugu Go gol Xaadhayeen Shirwaynaha Beeshaasi oo Dal iyo Dibada looga soo Hayaamay.

Hase ahaatee Shirkaasi oo Dhor Maalmood ka Hor ka Furmay Duleedka Degmada Badhan ee G/Sanaag ayaa aad loogu Dheg-taagayay Dhawaaqa Go’aamada Shirkaasi ka soo Bixidoona iyada oo Beesha Shirkaasi soo abaabushay ay Ku dhamaayeen Guurti iyo Siyaasiyiin intaba.

In Kastoo ay Shabada GalGalanews Heshay Sawirada Xidhitaankii Shirkaasi haddana wali nama soo Gaadheen Nuqladii War-Murtiyeedkii ka soo baxay Shirka Beesha Xuseen Ciise.

Shirka waxa ka dhex Muuqday Taliyihii Laanta Cashuuraadka G/Sanaag Maxamuud Daahir oo dhawaan Isaga  iyo Maamulka Sanaag Khilaaf soo Kala dhex Galay, Mugdigaasi oo Markii danbe Sababay Dhimasho Hal Ruux.

Docda kale Baaqii Shirkaasi ka soo baxay oo Aan wali Warbaahinta loo qaybin ayaa warar hoose sheegayaan inuu ahaa Shirkaasi mid Si Guud Beeshu isugu Raacaday inay taageerto Maamulka Somaliland oo Ay wax wadagaan Maamulkaasi.

Shirka waxaad ka dhex Arkaysaa Sawirka Maamulka Somaliland oo lagu Xar-dhaya Goobta Kulankaasi ka socday.

 

Dibu Jaliicid Shirarkii Horre ee G/Sanaag ka qabsoomay.

Bishii [Oct 1, 2012] ayaa Beesha Reer Saalax Shir uga Furmay Degmada Midigale oo ay Beeshu Xoog ku leedahay,waxana Shirkaasi Hormuud u ahaa Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka mid ah Isimada Reer PL kuwooda Loogu Maqal-ka badan yahay. [Sawiradii Shirkaasi eeg Halkan]

In kastoo Markii Shirkaasi Furmayay uu Garaad C/laahi Cali Ciid dhanka Muqdisho ka soo Duulay haddan Shirka Beesha reer Saalax Aad buu uga Aragti duwanaa Shirarkii kale ee Deegaanka ka qabsoomay waxana Go’aamadii lagu Saaray ka mid ahaa.

 

1-Ilaalinta Midnimada Guud.

2-Daris-Wanaaga Beesha ee Beelaha kale.

4-Tur-Xaan Bixinta wax kasta oo Mudgi  ah oo Jira.

5- Jiritaanka Puntland inuu yahay Mid Muqadas ah.

 

 

Shirkii Cara-weyn

Bishii [Sep 25, 2012] ayaa Beesha Aadan Siciid Shirwayne ku Yeelatay Duleedka Degmada Badhan waxana Shirkaasi Soo qaban qaabiyay Wufuud ka timi dhanka Caasiamda Somaliya ee Muqdisho iyo Ganacsato Reer PL

Shirkaasi ay Beesha Aadan Siciid Wakhtigaasi yeelatay ayaa Curtay ka dib  markii Beeshu iska dhex Arki waydey Baarlamaankii 9-ka ahaa ee Dowlada Somaliya uga Qayb Galay dhanka G/Sanaag. [EEg Halkan Sawiradii Shirka]

Shirkaasi ay Beeshu  Yeelatay waxa lagu Taageeray  Maamulka Somaliland waxana Maalin ka dib Xidhitaankii Shirka Hargaysa u Boqoolay Sakhsiyaadkii Shirkaasi Udud Dhexaadka u ahaa.

Shirkii Caraweyn ayaa waxa ka dhashay Wasiir ku Xigeen ay Beeshu ka heshay Somaliland kaasi oo lagu Magcaabo C/salaan Maxamed Xasan Quduuc,waxana loo Malaynayaa inuu Kaalin Mugleh ku leeyahay Shirkan Beesha Xuseen Ciise Maanta ugu soo xidhmay Badhan madaama uu Maalmahan Wasiir ku Sugnaa Gobolka Sanaag  Ergooyin badana uu ka Arkay Beesha Xuseen Ciise.

 

Rajada Maamulka Sanaag ee Pl Wakiilka ka ah.

Madaxwaynaha PL ayaa Bishii [Oct 9, 2012]  Soo Saaray Wareegtu uu xilkii kaga qaadayo laba Masuul oo G/Sanaag Maamulayay waxana ka mid ahaa Gudoomiyihii Gobolka Maxamuud Siciid Nuur- Dabayl iyo Taliyihii Booliska Coll Dabaq

Isla Wareegtadaasi ayuu Boggeeda  kale Dr Faroole ku Magcaabay Madax Cusub oo Gobolka Sanaag ku sii Biirtay kuwaasi oo kala ahaa Gudoomiyaha Gobolka Maxamuud Ciyoon, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Coll Axmed Siciid Gigiroor.

In kastoo uu Gudoomiyihu Xafiiska Joogay Mudo Lix Bilood Gaadhasa haddana ma Jiraan wax Muuqda oo uu qabtay Maamulka Gobolka Sanaag,waxana sii Kordhaya Beelaha iyo Wufuuda u Hayaamaysa Dhanka Somaliland.

Ma Jirto wax Shir ah ama Wada-Xaajood oo uu Maamulka Gobolku la Galay Beelaha Gobolka ku dhaqan si Mugdiga Beelaha qaarkood Sheeganayaan looga Saaro Meesha isla markaana Tabashadooda loogu Gudbiyo Maamulka Sare ee PL.

 

Bahda GalGalanews

Badhan-Somalia

 

Sawiradii Shirkan Beesha Hoos ka Fiirso.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ggg Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Mohamed Iyo Khadra
- Oct 21, 2014
gacal iyo sukeeyaba guurkiina lagu farax. waxaa  Hambalyo ay ku dheehantahay Farxad iyo gacaltooyo u ...
boqorka iiii Badhan :-Warmurtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Boqorka Daarood iyo Suldaanka Harti (Dhegeeyso)
- Oct 21, 2014
ka Diba Socaadaal uu dhowaan ku tegey Boqorak guud e beelah Daarooda Boqor burhaan ...
IMG-20141020-WA0010 Badhan:- Sawiro Dheeraad ah Booqashadii Boqor Burhaan e G.Sanaag
- Oct 20, 2014
Galgalanews waxay Halkan idiinku soo Gudbin Sawiro dheeraad ah oo ku saabsan Booqasahadii Boqor ...
boqor VIDEO:- Booqashadii Boqor Burhaan ee G.Sanaag
- Oct 20, 2014
Daawo Sawirada iyo Video Soo dhoweynta Boqorka Beelaha Daarood loogu sameeyay Degmada Baran ee ...
sanad Sanad-Guuradii Koowaad ee Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo Minneapolis lagu qabtay(Sawirro)
- Oct 20, 2014
Sanad-Guuradii Koowaad ee Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo Minneapolis lagu qabtay(Sawirro)  2014-10-20 11: Sanad-Guuradii Koowaad ...
DSC0047 Puntland:- Kulankii W.Ku Xigeenka Caafimaadka & Sharjah Charity International (Sawiro)
- Oct 19, 2014
 Wafdi katirsan dowlada Emaratka carabta oo ka socday hay’adooda u qaabilsan kaalmada caalamiga ah ...