Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sarkaal iyo Laba askari oo dil toogasho ah lagu fuliyay

muqisho: Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo horay loogu xukumay dilal toogasho.

Dilka oo saaka ka dhacay iskool bulusiyo ayaa waxaa lagu fuliyay saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida,  kuwaasoo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal,  waxaana maxkamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho, kaddib markii lagu helay dambiyo dil ah oo ay u geysteen shacab iyo askari ciidamada dowladda ka tirsan.Halka uu ka dhacayay xukunka toogashada ah ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab),  saraakiil ciidan iyo dadweyne u soo daawasho tagay sida uu xukunku u dhacayay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku fuliso xukun dil ah askar ka tirsan ciidamada dowladda,  balse waa markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda lagu fuliyo xukun dil ah.

Xukunkii midkan ka horreeyay ayaa dhacay  bishii hore ee Janaayo iyadoo lagu fuliyay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo la sheegay in lagu helay dambiyo isugu jira dil iyo kufsi.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in la dili doono askarigii lagu helo fal dil ah ama kufsi, iyadoo maxakamaddu ay fulinta xukunnadan soo billowday intii ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya.

iyadoo ay jiraan fulinta dilalka  qisaasta ah  ee lagu fulinayo ciidamada somaliya hadan  taasi maysan dhimin dilka iyo kufsiga ay gaystaan ciidamada dawladu,

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

cunbul Bosaaso:- Lacag la Uruuriyay +Sawiro
- Oct 24, 2014
Bosaaso( Galgalanews) Mu’asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo hormarinta ayaa ka bilowday magaalada Boosaaso gaar ...
1t Madaxdii Khaatumo oo lagu soo dhaweeyay Minneapolis VIDEO
- Oct 23, 2014
Magaalada Minneapolis  waxaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyey Madaxwaynaha maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf ...
15 (1) Khaatumo oo Shir Adis-Ababa uga Qayb-Gashay ( Sawiro)
- Oct 23, 2014
Waxaa dhowaan magaalada Adisababa ee Xarunta dalka Ethopia gaadhay Wafdi uu Hogaaminayey Madaxwaynaha maamulka ...
Sheekh Shariif oo waxbarasho u tagay London “Daawo” Sheekh Shariif oo waxbarasho u tagay London “Daawo”
- Oct 22, 2014
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u muuqda mid ka baxay siyaasadda ...
galgala Galgala Sawiro uma Baahna” ( Faallo +Sawiro)
- Oct 22, 2014
Galgala( Galgalanews) Degmada Galgala ee Gobolka Bari waxa Dhowr jeer ka dhacay Dagaalo is ...
Xawiladii Amal ee dalka Giriiga oo la dhacay VIDEO Xawiladii Amal ee dalka Giriiga oo la dhacay VIDEO
- Oct 22, 2014
Athens( Galgalanews) Xawiladii Amal Express ee dalka Giriiga  ayaa Gabi ahaanba la dhacay' sida ...