Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Khilaafkii Xasan iyo Saacid oo Dibada u soo shaac-baxay iyo 2-da nin oo midba gooni u qaabilay Wefdi Mareykan ah oo Muqdisho soo gaaray

Booqashada wafti ka socda Mareykanka ay ku tageen Muqdisho khamiistii ayaa banaanka soo dhigtay khilaafkii horey  aanu ugu xog warrantay inuu u dhaxeeyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaarihiisa Cabdi Faarax Shirdoon ayaa si yaabo kala duwan ula kulmay madaxda hey’adda gargaarka dalka Maraykanka Dr. Rajiv Shah oo Muqdisho booqasho maanta ku yimid.
Madaxa USAID waxaa markii horre la kulmay madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha madaxtooyadda Faarax Macalin.
Kulankaas oo qaatay dhowr saacadood ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dr. Shaah.
Kulan xasn
Kulankaas waxaa looga dhawaaqay lacago hor leh oo dowladda Maraykanka siineyso Soomaaliya taasoo lagu horrumarinaayo arrimaha aasaasiga ah sida wax-barashadda, caafimaadka iyo beeraha.
Markii uu kulankaas dhammaaday waxaa saxaafadda loo sheegay in ay iska xaadiriyaan xarunta Villa Somalia, halkaasoo madaxweynaha uu ku qabanaayo shir jaraa’id.
“Wariyaasha waa ay iska xaadiriyaan Villa Somalia oo uu ku jiro shir muhiim ah,” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha.
Nin kale oo ka shaqeeya xafiiska madaxweynaha ayaa yiri “ Maanta mala rabo miyaa shaqo maa aadaan Villa Somalia oo shir muhiim ah uu ka jiro”
Waxa ay umuuqatay hadalkaas in la baabiyo shirka jaraa’id ee ra’iisal wasaaraha iyo madaxa hey’adda gargaarka Maraykanka oo iyana kulan gaar ah ku yeeshay mid kamid ah xafiisyada AMISOM ee Xallane.
Ka hor inta uusan dhicin kulanka waxaa wariyaasha loo sheegay in uu jiro khilaaf ballaaran oo ka dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.
Khilaafkan ayaa soo billowday dabayaaqadii bishii hore, markaas oo labada nin ay isku dhaceen, laakin maanta waxaa si buuxda u cadaatay in uu jiro is-maandhaaf ka dhex-jira labada nin, taasoo suuragal ka dhigeysa in labadooda uu mid daaqada uga baxo.

Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha hadda islama hadlaan oo xittaa isma salaamaan sida ay lee yihiin saraakiil ku dhow xafiiska labada masuul, waxaana arrintaas ay keentay in ay labo garab u kala jabeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Isku Soo Wada Duuboo Hadii Aan Madaxda Dawladu Aysan Muujin Dulqaad iyo Midnimo waxaa lagayaabaa Inay Halkaasi Ku Burburto Raadii Umada Soomaaliyeed mudada dheer soo Sugaysay.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)