Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Siyaasi Reer Sanaag ah oo TFG Wasiir ka Noqday ayaa Hargays Gaadhay

Hargaysa:(GalGalanews) Ilo Wareed lagu kalsoon-yahay ayaa sheegaya in Siyaasiga C/raxmaan Jamac Cadalla oo oo Dhowr jeer Wasiiro kala Gadisan iyo Xildhibaan Mudo ka ahaa Dowlada Somaliya uu ku Sugan yahay Maalmahan Caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya inuu C/raxmaan Jamac Cadalla ka soo Boqoolay Dhanka Caasimada Somaliya ee Muqdisho halkaasi oo uu Mudo ku Sugnaa tan iyo la Doortay Madaxwaynaha Cusub iyo Raisalwasaaraha.

Waxa la sheegay in Garoonka ay ku soo dhaweeyay Madax uu ka mid yahay Maxamed Kaahin oo ka mid ah Masuuliyiinta Kulmiye.

Lama yaqaan safarka Socdaalkiisu wuxuu salka ku haya xili Somaliland ay Canbaaraynayso Xidhiidhka Somaliya iyo Maamulkaasi u dhexeeya isla markaana Xildhibaano badan lagu Xidhay Gudaha Somaliland.

 

Maqaalkan waa Bishii May-2012 Wuxuu ka Hadlay Jaah Wareerka Sanaag

Faallo:- GalGalanews  Bisha August ee sanadakan lagu guda jiro waxaa is bedelaya nidaamka ku meel gaarka ah ee hada ay ku dhisan tahay Dowlada Dhexe ee Soomaaliya isla markaana golaha Sharci dejinta ee Federaalka lasoo dooranayo iyadoo weliba lagu xulanayo shuruudo adag xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed.

Tan waxay salka ku haysaa heshiiskii Garowe iyo weliba kii kasii horeeye ee Muqdisho ka dhacay dhamaadkii sanadkii tegey ee 2011 ee lagu soo dhisey GEEDI SOCODKA isla markaana ay Dowladaha Caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya ay barakeeyeen ayna ku khasbayaan madaxda Soomaalida iney qaataan geedi socodkan ama waxa afka qalaad loogu yeerey Road Map.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee xiligan ayaa ah kuwo tiro iyo tayo daroba isku darsadey iyadoo xitaa kuwa deegaanadoodu nabada yihiin aan marnaba isku hawlin iney u boqoolaan degmooyinkii iyo  beelaha ay metalayeen marka laga reebo meelaha qaarkood.

Waxaase intaa dheer oo xusid mudan in beryihii danbe ay soo shaac baxeen khilaaf xoogan oo loolan siyaasadeed hoose wata isla markaana baarlamaanku uu kala jabay yeeshayna laba hogaamiye iyadoo aad moodid iney tani tahay qorshe siyaasadeysan oo la doonnayo in lagu maja xaabiyo majaraha geedi socodka Somalia.

Xildhibaanada u ololeenaya gudoonka cusub ayaa waxay u badan yihiin hogaamiye kooxeed yadii hore ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka talin jirey isla markaana aan ogoleyn iney dowlad adagi soo noqoto.

Hase yeeshee waxay su’aali ka timi markii lagu arkey in xildhibaanada Reer Maakhir ay ku jiraan khilaafaadka ka dhex jira Baarlamaanka isla markaana ay u ololeenayaan arimo ka yaabisey dadka ay sheeganayaan iney metelayaan, waxaase su’aashu tahay maxaa keeney iney hada u ololeeyaan dagaal oogayaashii Xamar oo in mudo ahba ku Xamar iyo nawaaxigeeda xarig ugu xirneyd.

Qoraalku maaha dhaleecayn iyo ka faalood xildhibaanada Maakhir hada ugu jira laakinse waa milicsi kooban oo mudan in la xuso waxay qabteen iyo waxay hada ku mashquulsan yihiin.

Waxaa intaa dheer oo iyaduna mudan in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ahi aysan u dheeli tirneyn qaab cadaalad ah iyadoo aad moodid in la iska soo xuley marka la isaga darey iyadoo aan talo iyo tusaaleynba la weydiin dadka ay metelayaan.

Waxyaabaha inta badan la iska indho tirey waxaa ka mid ah in Xildhibaanka Beesha Cismaan Ibraahim metelaya uusan aheyn nin kasoo jeeda beeshaas kadib markii baaritaano lagu sameeyey uusanba u dhalan Magaalada Kismaayo iyo beesha Cawramale ee Kismaayo.

Sidoo kale waxaa iyaduna yaab ah in 6 xildhibaan oo beelaha Maakhir ay isku Reer Yihiin isla markaana mucjiso kaleba iyadu ay tahay, mana aha iney taasi dhacdo waana mid la rabo in laga waantoobo.

Waxaa intaa dheer in Xildhibaanada Federaalka ee Beelaha Maakhir aysanba dib ugu noqon deegaanadoodii marka laga reebo General C/raxmaan Cali Bayr iyo, Caasha Axmed Cabdalle  tanina waa tusaale liita oo  baahan ineysan dib u dhicin, xildhibaanka lasoo dooran doono waa inuu goobta laga soo doorto inuu usoo shaqo tago.

Waxaa kaloo intaa dheer iyadoo xildhibaada hada ku sugan Federaalka ku meel gaarka ah aysan isku hawlin deeqaha Turkiga iyo dowladaha kale iney usoo xawilaan deegaanadoodii oo hay’adaha hada Muqdisho usoo wareegey aysanba isku hawlin iney la hadlaan.

Xaqiiqadu waxa weeye in Xildhibaanadeenu  ay kasoo bixi waayeen shaqadii loo dirsaday ama ay aheyd iney qabtaan isla markaana waxay mudan yihiin gebi ahaantooda aan dib loo soo celin isla markaana banaanka loo tuuro.

Xildhibaanada Soo socda waa in lagu doortaa qaab degmo isla markaana laga feejignaadaa qaabka qabiilka waayo waa laga baxayaa oo afar sano kadib heer degmo ayaa laga soo dooran xildhibaanda Somalia.

Sidaa awgeed waa in xildhibaanada deegaanada Maakhir loo daayaa iney doortaan dadka deegaanada ku sugan oo degmooyinka la iska soo xulaaa, degmo waliba way garanaysaa aqoon yahan keeda iyo wiilkeeda ama inanteeda xilka gudan karta.

Waa in sida ugu dhaqsaha badan la isu abaabulaa oo degmooyinka iyo wax garadka ay ka shaqeeyaan guda galka doorashada xildhibaanada meteli doona deegaanada Maakhir lagana digtoonaadaa is qab qabsiga iyo waxyaabaha aan loo baahneyn ee wakhti lumiska ah.

Waxaan kusoo geba gebeynayaa maqaalka kooban in beelaha Maakhir iyo degmooyinka Maakhir ay xushaan dadka gudan karaya xilkooda isla markaana aan iskii u shaqo tegi e iyaga u shaqo tegey.

Dadk aadka Loo Amaanay ee Deegaanka  Maakhir Inta badan Odayaashu Hadal hayaan oo la xidhiidha waxa ka mid ah  Xildhibaan  Siciid Jaamac Cali Qoorsheel oo wakhtigan ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliya.

Xildhibaan Qoorsheel  Horay ugama Mid ahayn Baarlamaanka TFG Wuxuu Galay Booskii uu Iska Casilay X- Xildhibaan Maxamuud Faarax Bile [Cunbul]

Qoorsheel mar aan ku Arrkay Nairobi oo uu Hogaanka Jaaliyada la Kulmay wuxuu sheegay inuu wax badan La xidhiidhay Hay’addaha Jooga Muqdisho sida Turkiga iyo Iran oo uu ka Codsaday inay Maal Gashi ka sameeyaan Deegaankaasi, Sanaag,Hayland iyo Gobolka Bari .

Wuxuu Noo Taabtay inuu wado qorshe  balaadhan uu Gobolada Gayndoono Saraakiil ka Tirsan Xafiiska Turkiga ee Muqdisho, Goobaha ay Booqandoonaan waxa ka Mid ah, Demada Laasqoray oo ay ka socdaan Mashaariic Fara badan ayna ku Taallo Warshada Kalluunka ee Laasqoray, iyo Warshada kale ee Soo Saartay Ama Nadiifisaha Cargaha Xoolaha ee loo dhoofiyo  Dibada.

Degmada Buraan ayaa la xusay inay ka mid tahay Goobaha la calaamadiyay inay Booqandoonaan Turkigu uu soo dhirin dhiriyay Xildhibaan Siciid Qoorsheel.

 

Magacyada iyo Qabiilada Xildhibaanada Gobolada  Sanaag,Hayland

1- Gen C/raxmaan Cali Bayr [ Reer Garaad ] Garaad Yuusuf 

2- C/raxmaan Jaamac Cabdalle [Reer Saalax]  Garaad Yuusuf

3- Axmed Cali Yakhle [ Bohogayslabe ] Garaad Yuusuf

4-Caasha Axmed Cabdalla [Reer Faatax]  Garaad Yuusuf

5- Siciid Xasan Dhegay [Karwal]  [Reer Saalax]  Garaad Yuusuf

6 Siciid Jamaac Cali Qoorsheel [ Jibriil Siciid]

7- Cawad Axmed Cashara [ Bihina Guuleed]  Garaad Yuusuf

8-Xabeeb Xuseen Degel [ Reer  Maxamed ] Dubays

9-Daahir Xaaji Geelle [ Reer Yuusuf] Dubays

10- NB:- Xildhibaanka Tobnaad ee TFG ugu Jira Gobolada Maakhir  wuxuu ka soo Gala Degmada Kismaayo Hase ahaatee Mudanahaasi sida aanu Xog Hoose ku Helay Mahan Nin Beesha Cismaan Ibraahim u dhashay taasi oo ah Mid aad loola Yaabo.

Markaad eegto Xildhibaanada Maakhir ee TFG k ka mid ah waxaad Xasuusanaysa Beelo badan oo ka Dhex Maqan Golaha Baarlamaanka ee Deegaanku ku Leeyahay TFG.

Soo Sad-Bursi iyo Waji Xumu uma ah Isimadii Horay Saxeexa u Siisay Mudanayaashaasi inay ku Biiraan Golaha Baarlamaanka, Wixii dhacay Dhice hase ahaatee waxaan Xasuusin Isimada Deegaanka oo Wkahtigan Muqdisho K a soo Laabtay inay Dib uga Fiirsadaan Cid ay Siinayaan Baarlamaanka Somaliya ee Gobolada uga qayb Galaya Dowlada Dhexe.

Laakiin dadka qaar baa Aminsan in Baarlamaanka 10- ah ee Hada Jooga ay qaarkood Mudan yihiin in Dib Saxeexa Loogu Cusboonaysiiyo markaad eegto Waxqabadkooda iyo soo dhawaynta ay  Kala Kulamaan Bulshada Deegaanku Markay Booqdaan Goobaha Dowlada Amaba Magaalada Muqdisho

Waxaan Qormadan ku soo Gaba Gabayn in Maanta oo ay Xildhibaanadii Somaliya intii ka Yar yihiin loo Malaynayo in Gobolada Maakhir Helayaan Intii in aad uga Yar oo Lagu Qiyaasay 5-Xubnood Kolkaasi shantaasi Xubnood waa in Fursad laga siiyaa Dhalinyarada Qurbaha ee wax baratay Hablo iyo Wiilal oo Wajiyo Cusub la Keenaa Kuwaasi oo la Jaan Qaadi kara Wacyiga cusub ee Kala guurka Siyaasada Somaliya.

 

 Ahmed Haaji Cilmi

GalGalanews@Gmail.com

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (1)


You must be logged in to post a comment.

IMG-20140829-WA0005 Kampala:-Hormuudka Ardayda Puntland oo la caleema Saaray +Sawiro
- Aug 29, 2014
Xafladii Sanadguuradii 16 ee Puntland iyo Caleema Saarka Gudoomiyaha Ardayda PL ee Uganda ayaa ...
NicholasKey Baaq Caalamiya Saax-Dheer
- Aug 29, 2014
August 29, 2014 Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Ergayga gaarka ee ...
DSC00604 SHIRKii beesha WARSANGELI “Guuleed2 “Daawo sawirada
- Aug 29, 2014
      Shirweynaha wada tashiga ah beelaha warsangali ee oo logu magac daray Guuleed labo ayaa ...
Khudbadii Cali Xaaji Warsame oo ka Sare Martay Khudbadihii Dr Gaas VIDEO Khudbadii Cali Xaaji Warsame oo ka Sare Martay Khudbadihii Dr Gaas VIDEO
- Aug 29, 2014
Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa Musharaxiintii ugu Cad Cadayd Doorashadii PL ayaa ...
galaydh Dhagarta Galaydh Oo Soo Iftiimaysa iyo Reer Buuhoodle iyo Widhwidh Oo Ka Indhala
- Aug 28, 2014
Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh: Oraah somaliyeed oo ...
nine Siyaasi Maxamed Cabdi Xaamud Nayn oo ka hadlay Shirka G.Sanaag DHEGAYSO
- Aug 28, 2014
Hargaysa( Galgalanews) Siyaasi Maxamed Cabdi Xaamud Nayn oo ka mid ah Ruug-Cadayaasha Siyaasada ee ...