Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Filed Under:  Latest News

Bayaan ku Aadan Mudo Kordhinta Xilka M.Faroole

18th March 2012   ·   0 Comments

Ku: Madaxwaynaha Dowladda Puntland Garowe
Ku: Guddoomiyaha Baarlamaank Puntlan Garowe
Ku: Guddoomiyaha Gudiga Doorashada Puntland Garowe
Og: Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (Punsaa)
Og: Golaha Odayaasha Dhaqanka Puntland
Og: Waxgaradka , Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada
Rayidka ah ee Puntland

Ujeeddo: Talo Soo Jeedin ku aadan ansaxinta dastuurka cusub ee
Puntland iyo Muddo Kordhinta.

Xarunta Nabadda iyo Cilmi Baarista Puntlland ee (CPR) waxaa ay halkaan
kusoo bandhigaysaa talo soo jeedin ku aadan ansaxinta Dasturka
Puntland iyo ka digid ku aadan qalaalase ka dhasha Ansaxinta Dastuurka
iyo Muddo Kordhinta.

Xarunta Nabadda iyo Cilmi Baarista Puntlland waxaa ay ka digaysaa in
Puntland la galiyo Qalaalase siyaasadeed oo keeni kara burbur iyo
dagaalo sokeeye.

Xaruntu waxaa ay ugu baaqaysaa Madaxda Dowladda iyo Gudiga Ansixinta
dastuurka Puntland inaysan hogaanka ay u hayaan Umadda u adeegsan
Hangool ay ku jafaan halaqyada ka buuxa gudaha Puntland ee raba inay
ka faa’iidaystaan qalaalase ka dhasha Puntand oo ku salaysan xagga
siyaasadda.

Xarunta Nabadda iyo Cilmi Baarista Puntlland waxaa ay ka digaysaa in
ansixinta Dastuurka Puntland ay abuurto qalalaase siyaasadeed iyada oo
la adeegsanayo ansaxinta 480 ka qof ee ay rabto xukuumaddu inay ku
ansixiso dastuurka cubub ee Puntlan loona arki doono ansaxin aan loo
dhamayn cadaalad darana ku dhacda.

Ansixin ku dhacda ama ayna sameeyaan 480 qof oo ay soo xulayso
Dowladdu waxaa ay keeni kartaa dhalashada qalalaase siyaasadeed oo
reeba cawaaqib xun iyada oo ay ka faaiidaysan doonaan kooxaha Qaska
iyo Qalaasaha ka faaiidaysta ee nabad diidka ahi.

Si looga badbaado bur bur iyo qalalaase siyaasadeed xaruntu waxay ku
boorinaysaa Madaxda dowladda inay joojiso ama ka hor tagto in
dastuurka cusub ay ansixyaan 480 qof oo kaliya.

Xarunta Nabadda iyo Cilmi Baarista Puntlland waxaa ay ugu baaqaysaa
Madaxda Dowladda iyo Gudiga ansixinta dastuurta in aan la kordhin
mudada xilka Xukuumadda uu Hogaamiyo madaxwayne Faroole oo ku eg
maalinta Talaadad ah ee 08 January 2013.

Dadka ku nool mandaqadda Puntland  waxay xog ogaalnimo u leeyihiin
miraha ay dhasho muddo kordhin la kororsado mudada xilka ee dowladihii
soo maray Puntland.

Si looga badbaado Qalalaase siyaasadeed oo ka dhaca Puntland xaruntu
waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka Puntland, Aqoonyahanka ,
Ururada Bulshada Rayidka ah iyo dhamaan daneeyayaasha degenaanshaha
Puntland in Cadaadis lagu saaro Xukuumadda Puntland inay joojiso muddo
kordhinta iyo ansixinta la rabo in lagu ansixiyo 480 qof dastuur ka
dhaxeeya ummadda reer Puntland.

Xaruntu waxaa ay ku tilmaamayaa muddo kordhin la sameeyo iyo ansaxin
loo sameeyo Dastuurka Cusub ee Puntland oo ay ansixiyaan 480 qof fal
dambiyeed siyaasadeed oo abuuri doona qalalaase baahsan oo ka dilaaca
Puntland ayna masuuliyadaas qaadi doonaan Madaxda Dowladda ee hadda
talada haysa.

Cilmi baaris ay CPR (Center Peace and Research) ka samaysay deegaanada
Puntland guud ahaan dhamaadkii sanadkii 2011 ayaa natiijadii kasoo
baxday noqotay in 83%  dadka ku nool Puntland aysan taageersanayn in
lagu ansaxiyo dastuurka cusub ee puntland dad kooban oo ay soo
xulayaan laamaha kala duwan ee dowladda Puntland.

Xaruntu waxaa ay soo dhawaynaysaa barnaamijka u hayaamidda Nidaamka
Axsaabta badan iyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadeed ee ka
hanaqaaday Puntland.

Wabilaahi Towfiiq.
Center for Peace and research
Puntland State Somalia
email: cpr.puntland@gmail.com

By

Readers Comments (0)


Comments are closed.