Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Filed Under:  Articles, Latest News

Waa Kuma Said Daahir Bootaan?

14th October 2012   ·   9 Comments

Baroortu Orgiga ka Weyn!! Qalin-Jaan Wuxuu ka mid yahay Koox Maqaalo ama Aragtiyo Aad loo Jecelyahay Soo Daabaca isla markaana wuxuu Xubin Sare ka yahay Maamulka GalGalanews.com

Siciid Dahir Ismaciil Bootaan Wuxu siddeetameeyadii wax ku bartay dalka Maraykanka, kana qalinjebiyey jaamacad ku taal Gobolka Misouri. Beriga siciid Jaamacadda ka baxay wuxu ka mid ah dad kooban oo sumaliya oo ka baxay jaamacadaha dalka maraykanka. Wuxuuna ku magac dheeraa siciid Misouri.

Markuu Jaamacadda dhameeyey, siciid wuxu u wareegay gobolka New York oo uu meherad ganacsi ka bilaabay. Ganacsigana si weyn ayuu ugu guuleystey. Bilowgii sagaashameedkii ayuu ka guuray maraykan una wareegay imaraadka iyo Somaliya. ganacsigiina halkii ka sii waday. Wuxu xidhiidh ganacsi la yeeshay Siciid Maxamed raage. Wuxu kaloo saaxiib dhow la noqday madaxweynihii hore ee puntland, Alla ha u naxariistee, Cabdullaahi Yusuf. Kolkii Cabdullaahi yusuf noqday madaxweynaha Somaliya, siciid xamar ayuu u wareegay,ganacsigiina halkii ka sii waday.

Dhowaan wuxu siciid ka mid noqday shanta xubnood oo maakhir ugu biiray barlamaanka cusub ee somaliya. Waxaana xubnimaada u magcaabay suldaan siciid.Siciid waa xubnaha ugu aqoonta iyo waaya aragnimda badan golaha baarlamaanka oo dhan. Dood dheer ayaa ka dhalatay sidii suldaanku u maareeyey magcaabidda xubnaha. Dad badan ayaa dhaliilay sida aanu suldaanka dadka gobolka ugala tashan magcaabidda xubnaha. Dhaliishaasi waxay u muuqataa mid daw ah. Waxaa kaloo jirey buuq ka dhashay magcaabidda xubnaha qaarkood. Gaar ahaan, waxa dad tira badan oo gobolka ka soo jeedaa ka horyimaadeen magcaabidda siciid. waayo? Waxay dadkaasi ku doodeen in suldaanku iyo Siciid qaraaba dhow yihiin. Waa run, laakiin waxay kala yihiin laba beelood oo gobolka dega. dadka gobolkuna sidaa uma kala foga. Midda kale, Suldaanku wuxu qaraaba dhow iyo bahba la wadaaga xubin kale oo uu magcaabay. haddii qaraaba la xeerinayo, maxaa xubinta kale sida siciid diiradda loogu qaban waayey? Maxaa siciid oo aqoon iyo waaya aragnimaba aad ugu qalma xubinimada tooshka keligii loogu ifinayaa?

War meesha maxaa ka socda? Aan far waaweyn ku qoree, waxaa meesha ka socda colaadin iyo nacayb beesha siciid ka dhashay. Dad badan oo xaasidnimo iyo nacayb hore ku soo maaxday ayaa adeegsanaya siciid si ay si dadban u soo bandhigaan waxa caloosha ka gubaya. Siciid aqoon ahaan, waaya aragnimo iyo dhalashaba waa ugu qalmaa xubnta loo magcaabay.

Sida loo magcaabay xubnuhu waxay u baahan tahay dib u eegid, laakiin waa inaan wixii xumaaday loo adeegsan si loogu tunto sharafta iyo haybadda buslshada maakhir qaarkeed. Dadka gobolku waaa iney la yimadaan qorshe si aaney arrintan oo kale u dhicin, laakiin yaan loo adeegsan nidaamkii qalloocday, sabab lagu duudsiyo xuquuqda dadka gobolka qaarkii.

Qalin-Jaan

 jstice2009@yahoo.com

 

By

Readers Comments (9)

  1. maslah says:

    Asw saaxiibkayga qaaliga ahow waan ku salaamay bacda salan Ogayslabe waa dadkayagii waxaanuna isu nahay waa wax la wada ogyahay wiil iyo abtigii masuuliayad Ogayslabanae Warsangeli madiidi karo ee waxa meesha ku jiraa waxaa weeye maad xusin waxaana u arkaa nimaan Wasangeli iyo Ogayslabe waxay isu yihiin aan aqoonba ulahayn fidmana wada. Hadaba walal jawaabtu waxa weeye Ogayslabe lama diidin ee Siciid Bootaan ayaa ladiiday waxaanuna ku diidnay saciid waxuu ku noolaa North America lacagta iyo halkuu kaneemaya waxay ahayd Daroogo waxuu sitay laba magac nin dadku usimanyihiina maaha waa nin Warsangeli iyo Ogayslabe ukala dhowyihiin Warsangeliga kalee ee aanay bahwadaagta ahayn ogayslabe waa nin aan aqoon badan ulahayn oo aan jeclayn sida dad badan aamin sanyihiin. waan taageeri lahaa haduu Ogayslabe kala yahay cid ka hadli kartayna may jirin. tankale waxuu ahaa Furayaasha ugu waa wayn ee siciid suldaan cabdisalaan khaladii waa waynaa ee uu warsangeli ka galay. waxaan lawada soconaa waxii Xamar ka dhacay in ay wax aad uxun ahaayeen taariikhda warsangelina buug madow ku qormatay. Siciid waxuu sameeyey cadaalad daro waxuu marka hore aqbalay waxaan Warsangeli ucuntamin oon laga wadahadlin in aan qaadano iyo inkale. Qodobka labaad waxii yaraa ee lahelay ayaa suldaan saciid kala dhuuntay Warsangeli oo wada dhan waxayna noqotay arin ceeb ku ah dhaqanka iyo Saldaniyada Warsangeli oon horay loo arag waxaana eedaa iska leh intii Suldaanka Usha uhaysay siciid Bootaana ka mid yahay.Qodobka sadexaad waxuu ahaa waxaa meshii ka dhacay oo Suldaanku gudniyey Rag ay ehel dhow yihiin iyo Inata ina Qorsheel waxaa lamaga caabay Laba dubays ah iyo laba bahwadaaga iyo Mrs Qorsheel . khaladkiina layskama qaban macadaaladbaad u aragtaa Arin Jaanow waxay ila tahay waa maya haday cadaaladi jirto waanu ku khasbanahay in aanu taageero. Hadaba sxbkayga Xaal Jaanow xaalkan iyo warbixintaadan waxaan u arkaa isku dir dad walaala ah oo wada dhashay hadaba walal Warsangeli Ogayslabe madiidine waxii xun buu diiday. Taariikhduna wanaag iyo xumaan way xusi wayna qori tankalae wax kastoo wanaagsan waxay helaan taageero khalakdkii Siciid Suldaan iyo Ragiisa maanta waxay dhashay waan ka wada dheregsanahay waxay keentay kala shaki bulshada Reer Maakhir ee walaaha ahayd iyo kala tashi iyo in midba meel u dhaqaaqo uu isleeyahay danbaa kuugu jirta jawaabtu waxaa weeye maxay dadka dani ugu jirtaa? Sidee dadka loo mideeyaa? Maxaan saxnaa? Maxaa inaga qaldan? Sideen dadkeena isugu keenaa xalku maaha in aan mindiyo isugu dhiibno. Waad mahadsantahay walal

  2. Addoon Alle says:

    Sida magacaaga iyo qoraalkaagu isu waafaqeen baan ka yaabay. waxa la baxday qalinjaan markaasaad soo qortay wax jaan iyo qabyaalad iyo qurun. (Ragga aad difaacaysid waan jeclahay, lakin qoraalkaaga ayaan necbahay wuxu beerayaa colaad)

  3. Qalin Muslim says:

    Waxa u jeeda reerka Hargiesa aaday dano badan ayaa naga dhexaya.

  4. durduri says:

    War heedhe waxbaa qaldan war Suldaan saciid shantan xubnood ma keennin ee inna cali ciid ayaa ka kiniya ama Eldorat,ee suldaanku shaqun kumma lahayn ee inna cali ciid kalla xisabtama

  5. ahmed says:

    ogeyslabe waa u qalmaa labo xubnood ,marka la eego dhianac dhaqalaha iyo aqqon waa dad top ah ani ma aqaan dadka badiyahakayimi ee qaylinaya walaal wax barta markaa dadka la tartama ,waa talo fican.

  6. xubreera 120 says:

    maslahow w axan kuu sheegaya inaad caqli yertehay waayo qofkasta oo dalka kamaqan wxauu sitaa mgacyo badan oo uu ku dhoofey qofku wxa uu kshaqysteyna wxay doonto ha ahaato wxay kdhimayso mlae mar kaa waa macna yartehae raga waxaas ha hor keenini golaha

  7. sanaag says:

    reer doon kuwa la yiraado h/jeclo la dego h/jeclo isku ma dheraryaan waay ogaysalbe warsangli isku dherarayaa horta waa sual?jawaabto waa simple hindi hadii dhargo dharkaa xirantaye ayuu damcaa

  8. Xamar Cadde says:

    4. Waa markii ugu horraysay ee Suldaanku shir Soomaali ka qayb galay. Issimadii Daarood oo dhan baa in uu magac darood ku hadlo xafladdii furitaanka isku raacay, si sharaf leh oo maqaam sare leh baanuu uga hadlay oo tv ga looga daawaday. Kii Puntlandna waa ogaydeen oo Mudankii Salaadiinta ayuu ahaa. Ilma adeerayaalow sharafta iyo magaca intaa ka badan ee uu idiin keeni lahaa maxay tahay.
    Waxaan ku soo gunaanadayaa, Alle ha laga cabsado, xigtooy waxaad isu ahaydeen baad illowdeen ee dib ha la isugu noqdo; ha la isa saamaxo, walaal nimada iyo ehelnimada ha laga dhabeeyo oo qalbiga ha la iska jeclaado. Nacaybku waa cudur dad iyo duunyaba guba ee ha laga ducaysto.Hooyaday baa waxay oran jirtay”Ninkii afka daba aadamaa arka, kii uurka dabana Eebbaa arka”. Uur isu dabka ha la iska daayo. Haddaanad walaalkaa cafiyin sidee kii ka shisheeyey ee weliba colaaduhu idin dhex mareen aad u cafiyi karaysaa. Sidee Soomaali wax ula qaybsanaysaa mid ku dhacay, mid ku dilay, mid ku dooxay , mid ku barakiciyey iyo mid badbaadiyey ba.
    Qolyaha qurbaha jooga waxaan leeyahay yaan tolka lakala dilin oo fidmo laga dhex abbuurin. Qofowna wax aanad Ebbe la hortagi karin marna ha falin oo ha fidin.
    WBT

  9. A.s.c waxan layabanahay nin baa mowduc kahadlayey anagu magarananayno cid mandaqada dagan oo hadal galiyey sacid dahir xaqna wu ileyahay wuna u qalma inu kuqato mandaqada sxb malaha colad shegeso anagu mo ogin ogeslabana uma heno malaha ada hada arin wata umada madax haysku gelin midakale wuxu yahay wanu naqan said dahir waxa ficned wuxu mandaqada uqabanayo inad noshegto sxb.midakale ilahay warsangali wuxu tusay oo kumushqulay garad c.laahi cali ciid meysha maba ol maxa kenay garad c.lahi calcid wxu waxlaqebsanaya rag somaliyed meshan war sangali magen xinihisa ayu kugaray hadana farole haday isqabten wuxu tusay wuxu yahay wuna karbashay f.rolena wuxu yiri tan adigo an jogin ban gcanteda kudhisay sxb adaataga runti garadku sidi qof duday manoqon wuxu kusocday jibaradisa lkin f.role wuxu kumushquliyey warsangali marka war sangaliyo waxad tihiin asal madorshe sxbyal garad c.lahi cali ciid malintu dhinto amaana malintasna bad oganaysa wuxu yahay .


Comments are closed.