Ku: Beesha Caalamka
Ku: Qarammada Midoobay
Ku: IGAD Ku: Ururrada Siyaadda
Ku: Guurtida iyo Odayaasha iyo siilaanyo
Ka: Yassin S Dualeh
Annaga oo ku hadalayna magaca beelaha Gobolka Sanaag, iyo Badhtamaha,Haylaan waxannu uga digaynaa maammulka la magac baxay Somaliland, in aanay waxba ka khusayn dadka aannu magacooda ku hadlayno, madaxbannaanida ay sheeganayaan.
Waxannu beesha caalamka iyo dhammaan intii danaynasya, danta ummada Soomaaliyeed la socodsiinaynaa inaannu taageersannahay dawladda somaliyeed Sidoo kale, hadalkii uu yiri Mahiiga, oo ahaa midnimada Soomaaliyeed inay tahay mid muqaddas ah, waannu ugu hambalyaynaynaa.
Isla mar ahaantaas, waxannu xaaraantinnimaynaynaa wixii ummada u horseedaya kala qoqobid iyo kala tag. Dad lagu soo doortay magaca beeshayada ma joogaan Hargeysa. Waxa beeshu la qabtaa Soomaaliweynta kale in la soo celiyo dawladnimadii iyo sharaftii dalka, lana dhiso maammul Fedaraali ah sida lagu tibaaxay qodobbada heshiiska dawlada federalka ah.
Kadib markii aan aragnay weeraarka qawaan oo aay wadaan maamulka Hargeysa ee Gobollada Woqooyi Galbeed ee Somaliya
Garawsan ujeedada ka dambaysa iyo nuxurka uu xambaarsan yahay qoraalkan
baal-xooftada iyo caga-juglaynta ah ee Col. siilaanyo waado
Aragnay warbixinno madax bannaan oo tibaaxaya hub urursi iyo xaalufaysi dagaal oo uu bilaabay Col.siilaanyo isaga oo adeegsanaya Gheellaha Jibouti uuna u socdo dhulkaa maakhir
Garowsan daandaansiga aan geedna loogu soo gaban ee Maamulka Hargeysa ku sheeganayo gobollo ka mid ah degaanadda hoos yimaada soomaliya sida ku cad dastuurka iyo mabaa’diida assaaska u ah dhismaha iyo jiritaanka Dawlaada somaliyeed,
Waxaan uga digaynaa Maamulka Gobollada Woqooyi Galbeed ee Somaliya (
Uu ka waantoobo falalka daandaansiga ah ee uu ka wada gobollada Sanaag & Haylaan oo ka mid ah Dawlada somaliyeed,
In uu ogaado in Maakhir ay difaaci doonto dhul kasta oo ka mid ah dhulka iyo deegaanadda hoos yimaada DG Maakhiir,
In aanay shacab weynaha Maakhir aynana u dulqaadan doonin gardarada aan geed loogu soo gaban ee Col.siilaanyo wado, iyo
In uu ogaado in cawaaqib xumada ka dhalata dagaal uu huriyo Dambiile Dagaal Col. Siilaanyo ay ku halligmi doonaan oo keliya ummadda Somaliyeed oo aan waxba galabsan.
Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa shacabweynaha Somaliyeed ee Gobollada Woqooyi Gableed
Ay ka digtoonaadaan gulufka colaadeed ee uu hurinaayo Dambiile Dagaal Col Siilaanyo,
Aanay ogolaan colaad oo laga dhex huriyo shacabka walaalaha ee Woqooyi Galbeed iyo Woqooyi Bari Somaliya,
Aanay raali ka noqon daadin dhibic dhiig ah oo qof ama ummad Somaliyeed,
Aanay hilmaamin dhiigga iyo dadka uu Col Siilaanyo ku xasuuqay kalshaale buhoodle,sanaag.laascanood.Boorame
Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa Mutacalimiinta, Cuqaasha, Wax Garadka, Culumaa Al Diinta iyo inta jecel samaha iyo wanaaga ummadda Somaliyeed ee ku nool Gobollada Woqooyi Galbeed in ay ka fejignaadaan falalka xabaala qufnimada ah ee uu Col siilaanyo dabada ka wado.
Waxaan kaloo oo aan la socodsiinaynaa bulshada caalamku in ay xog ogaal u ahaato daandaansiga, hub urursiga iyo hurinta guluf colaadeed ee Col Siilaanyo ka wado Gobollada Woqooyiga Somaliya