Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Filed Under:  Latest News

Gudoomiyaha Tacliinta Gobolka Hayland oo kormeer kusameeyay Waxbarashada Gobolkasi+Sawiro

1st December 2012   ·   0 Comments

Xingalool-GGN-Gudoomiyaha Tacliinta Gobolka Hayland Maxamuud Rowje ayaa Kormeeray Gobolka waxana Safarkiisii Ku weheliyay Macalimiinta Degmada Xingalool,waxana ay Safarkooda ka Bilaabeen Degmada Xingalool,Gudoomiyaha ayaa Tegay Iskuulada Sare, Hoose iyo Dhexe ee Degmada isaga oo Xog Waraysi la Yeeshay Maamulayaasha Iskuulada.
Kulan Kooban oo ay Yeesheen Maamulka Tacliinta ee G/Hayland iyo Barayaasha Iskuulada ayaa ahaa mid ku saabsan sidii loo wada shaqayn lahaa.
Gudoomiyaha ayaa Safar  ugu Boqoolay Degmooyin ay ka mid Yihiin Dhahar,Buraan,Baraagaha Qol,Bali-Busle iyo Booda Cadda, Damala-Xagare.
Dhamaan Kulamo uu la Qaatay Bahada Waxbarashada ee Gobolka Hayland ayaa  ku Qotomay sidii Tacliinta Gobolka Hayland Sare loogu qaadi lahaa, Guud ahaan intii ay Kormeerka wadeen waxa dadkii ay la Kulmeen Sheegeen inay aad u soo dhawaynayaan Gudoomiyaha Cusub.
Gudoomiyaha Waxbarashad aee Gobolka Hayland Maxamuud Rowje ayaa dhawaan Wasaaradda Waxbarashada Puntland ku Magcowday Wareegto.
Fayte
GalGalanews-Xingalool

 

By

Readers Comments (0)


Comments are closed.