Odayasha dhaqanka besha Gaashanbuur oo Baaq Talo iyo mahadnaq u dirtay cidkastoo hawsha dekeda wada|+Sawiro
1st December 2012 · 0 Comments
Bosaso-GGN-
Baaq mahad naqa ah ayaa waxaa soo saaray odayasha kasoo jeeda Beesha Gaashaanbuur kaasi oo ay usoo jeedinayaan En Faysal Xawar iyo hawsha dekeda uu ka wado Magaalada Laasqoray odayaasha dhaqanka ee soo saaray baaqa ayaa ku sugnaa magaalada Bosaso .
Waxaan ay shegeen oo Mahad ilaahaybaa iska leh ay u mahad naqeen hawsha is xilqaamka leh ee uu wado En Faysal Xanwar hadaba qoraal uu ku daabacan yahay baaqa mahadnaqa ah ayay nasoo gaadhsiyeen waxaana uu u qornaa sidan .
Qoraalku waa saan
Anagoo ku hadlayna codka beesha gashaan buureed qayba heeda kala duwan waxaan si qadarin iyo shud madleh usoo dhowaynaynaa hawsha uu wado Eng; faysal xawar oo ku wajahan dekada laasqoray,hadaba kulankan oo ay isug yimaadeen cuqaal iyo wax garad kaso ojeeda beeshaasi qodobadan hoos ku qoran .
Marka hore mahad ilaah baa leh marka xiga waxaa xusud iyo xushmad mudan cid kasta oo dalka ukeenta faa iido wax ka bedesha masiirka dadka iyo dalka
Marka xiga waxaa xusid mudan jaaliyada warsan geli eek u nool imaraadka carabta oo door fiican ka istaagtay
Waxaa kaloo xusid mudan dowlada puntland oo fududaysay caqabada badan
Waxaana ilaahay ka rajaynaynaa in Eng; faysal xawar iyo cidii hawsha dekeda la wada ay ku guulaystaan
Waxaan ku tala bixinaynaa inay soo dhoweeyaan horumarka iftiimay dhamaan dadka soomaliyeed gaar ahaan reer puntland kana midaysnaadaan wixii caqabada ee ka horyimaada
Wabilaahi towfiiq
Waxaa baaqa si wada jir ah u soo saaray guurtida hoos ku qoran
1.bilaal khayre nabadoon
2.mursal maxamuud cabdi nabadoon
3. maxamed axmed shirwac aqoonyahan
4. c\raxmaan maxamed muuse guurti
5. cali siciid salaax guurti
6. maxamed ciise muuse guurti
7. siciid maxamed shirwac guurti
Magaalada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka socda hawlo lagu dhisayo dekeda iyo horumarka magaaladaasi iyado hawshaasina ay wado Haayda MRC ee uu madax ka yahay Faysal Xanwar waxana baaqani uu ku saabsanaa mid mahadnaqa.
Galgalanews Bosaso
By Editor
Readers Comments (0)
Comments are closed.










