Saldhig Xingalool la Dhagax Dhigay+Sawiro
3rd December 2012 · 0 Comments
Xingalool-GGN-Taliyaha Booliska Gobolada Sanaag iyo Hayland Axmed Siciid Gigiroor ayaa dhagax dhigay Saldhiga booliska ee Degmada Xingalool,Waftigaasi dhagax dhiga Joogay waxa ka mid ahaa, Duqa Degmada Xingalool Yuusuf Faarax Siciid,Odayaal iyo Bulshada Rayidka ah.
Taliyaha Labada Gobolka Axmed Siciid Gigiroor oo Xafladaasi dhagax dhiga ah ka hadlay ayaa sheegay inay ka dhabaynayaan waxqabadkooda isla markaana dhawaan la Bilaabayo Dhismaha Saldhigaasi.
Taliyaha ayaa u Mahadceliyay Dadkii ku Deeqday Jagada laga Dhisayo Saldhigaasi, isaga oo Reer Xingalool ugu baaqay inay wax qabadsadaan isla markaana ay Muujiyaan inay waxqabasan karaan.
“Hadii aad waxqabad muujisanaa Anaga Markaas Baanu Maamulka u Gudbinaynaa isku Daya inaad nala shaqaysaan isku daya inaad Laamaha Amaanka Gacansiisaan Ha Marti-galinina kuwa Danbiilayaasha ah Ha Marti-Galinina kuwa doonaya inay Amaanka Gobolka Khal Khal-galiyaan” Ayuu Yiri Gigiroor.
Dhagax dhiga Saldhigan ayaa ku soo beegmaya xili Dhawaan Wafti Wasiiro ah ay Booqanayeen Gobolada Sanaag iyo Hayland waxana waftigaasi ka mid ahaa Taliyaha Qaybta booliska.
Sawirada Hoos ka Daawo
By Editor
Readers Comments (0)
Comments are closed.








