waxqabadka Somaliland Gobolka Hayland Degmooyinkisa+sawiro
3rd December 2012 · 0 Comments
Hayland-GGN-Barnaamijkan waxaanu ugu Kuur Galinaynaa Mashaariicda ay Maamulada Somaliland iyo Puntland ka Fuliyeen Gobolka Sanaag oo ay had iyo Jeer Maamuladaasi ku Her-damaan Hase ahaatee Su’aasha Meesha taala ayaa ah Labada Maamul Keebaa Shacabka Sanaag Dani ugu Jirtaa Keebaa Mashaariic Horumarineed ka Fuliya Gobolka Sida Waxbarashada,Saldhigyada Booliska,Maxkamada.
GalGalanews ayaa Raadisay inay Hesho Musawirada dhabta ah ee Muujinaya waxqabadka ay Sanaag ka Fulisay Somaliland.
Sawiradda Kaamaradda GalGalanews ayaan ka Bilaabaynaa Degmada Xingalool,
Degmada Xingalool oo ka mid ah Magaalooyinka Xudunta u ah Gobolka Sanaag waxa Jooga Masuuliyiin ka Tirsan Labada Maamul Kuwaasi oo Shacabka u sheega inay wax qabad uga keenayaan Maamulada ay Metelaan.
Degmada Xingalool waxa Duqa Degmada Dhanka Puntland ugu Magcaaban Yuusuf Faarax Siciid, dhanka Somaliland waxa Duqa Degmada u Jooga Yuusuf Warsame.
Docda Ciidanka Waxa Degan Guuto 93- lagu Magcaabo oo ka Amar qaadata Somaliland waxana Taliye u ah Coll Xuseen Dheere.
Guutadan oo loogu Yeedho 93- waxa u Diiwaan Gashan Ciidan Tiradiisu Gaadhayso,600- oo askari oo kala Jooga Degmooyinka kala, ah, Xingalool,Ceelbuh,Dhahar, Baargaha Qol.
Hase ahaatee marka dhanka Ciidanka laga Yimaado waxa Jira Mashraacii Muuqata oo Somaliland ka Fulisay Degmooyinkaasi, hadii aan soo qaadano Degmada Xingalool waxa uu Maamulkaasi ka Hir-galiyay.
1-Sareebadda Hilibka
2-Saldhiga Ciidanka
3-Xabsiga
4-Dugsiyada Sare iyo Hoose Dhexe.
5-Dhismaha Dowlada Hoose.
6-Cisbitaalka Guud ee Xingalool
7-Labada Ceel ee Xingalool oo Dayac-Tir Guud lagu Sameeyay.
Waxbarashada iyo Saraakiisha Caafimaadka ee Degmada Xingalool dhamaantood waxay Dhaqaalaha iyo Agabka kale ka helaan Somaliland sida ay Noo Xaqiijiyeen Madaxda Laamaha Caafimaadka iyo Waxbarashada oo aanu Waraysanay.
Dhanka Degmada Dhahar oo aanu Booqanay waxaanu ku Aragnay Dhismayaal Dhowr ah oo ay Fulisay Somaliland sida Dhismaha Maxkamada, Dhismaha Iskuulo Sare Hoose iyo Dhexe, iyo Hir-galinta Sariibada Hilibka lagu Qolo,waxa intaasi oo dhan Dheer Dhismaha Garoonka Kubada Cagta oo ay Degmada Dhahar dheertahay Degmooyinka kale sida Sawirkan lagu Arkidoono.
Taliyaha Guutada 93- oo aanu Magaalada Dhahar kula kulanay wuxuu Sheegay in Mashaariicdan ay Yihiin kuwa Muuqata oo aan Qarsoonayn isla markaana dadku Arkaan Cida wax u qabatay.
Xuseen Dheere ayaa xusay in Lagu Tartamayo waxqabadka Horumarka ee Gobolka isla markaana ay Dadku Garan karaan Cida Taakulaysa.
Waxa jira Waxqabadyo kale oo laga Fuliyay Magaalooyinka Sibaaye, Ceelbuh,Badhan,Baraagaha Qol,Toora Boora iyo Booda Cadd oo dhamaantood laga Hir-galiyay Dhismayaasha Iskuulada.
Waxaanu idiin Balan Qaadaynaa inuu idiin soo Gudbino Macluumaad sax ah Wata Sawiro Muuqaal ah oo Muujinaya Dhismayaasha Magaalooyinka aanu Xusnay.
Ujeedkayaga ayaa ah in Bulshada Caalamka iyo Guud ahaan Qurba Joogta Gobolku ay Arkaan Mashaariicda Maamulada Somaliland iyo Puntland ay ka Fuliyeen Gudaha G/Sanaag.
Sawiro
By Editor
Readers Comments (0)
Comments are closed.



















