Madaxweynaha dowlada Somalia iyo wafdi uu horkacayo oo maanta u dhoofay dalka Turkiga
4th December 2012 · 0 Comments
Minneapolis-GGNews-Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow, ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Ankara ee dalka Turkiga.


Madaxweyne Xasan Culusoow, ayaa saddex cisho booqasho ku joogi doona dalka Turkiga, isagoo la kulmi doona madaxda Turkiga, sida Ra’iisul Wasaaraha Racep Tayyib Erdogan iyo Madaxweyne Cabdalla Gul.
Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan, Taliyaha Maleeshiyaadka iyo saraakiil kale.
Madaxweyne Xasan Culusoow ayaa todobaadkii hore booqashado ku tagay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, oo madaxda dalkaas uu kala soo hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin maamulka u samaynta Jubooyinka uu ka soo horjeedo isagu.
Meelaha uu tegi doono Madaxweyne Culusoow
Readers Comments (0)
Comments are closed.
