KISMAAYO: Wafdi ka socda IGAD ku wajahan magaalada Kismaayo
17th December 2012 · 0 Comments
Minneapolis-GGNews: Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa kusoo wajahan Beri oo ku beegan Isniin ama Taladaada midkood magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.
Maxbuub Macalin
Wadfigaan ayaa waxaa hogaaminaya Maxbuub Macalin, iyadoo la filayo in wafdiyo kale oo ka socda IGAD ay isla asbuucaan ay tagi doonaan magaalada Kismaayo oo noqon doonta goobta dhidibada loogu taagi doono maamulka Jubbooyinka.
Wafdigan ayaa Indho-Indhaynaya Xaalada guud ee dhanka ammaanka magaalada Kismaayo iyagoo kulano la qaadan doona maaamulka kumeelgaarka ah ee magaalada , kaddibna go’aan rasmiya ka qaadan doona waqtiga ugu haboon ee uu shirka maamul u samaynta deegaanka Jubbooyinka ay ka furmayaan guddaha magaalada Kismaayo.
Warar hoose oo Galgalanews soo xiganayso ayaa sheegaya in IGAD ay doonayso inay si deg deg Maamul loogu dhiso deegaanka Jubbooyinka , ayna arrinkaas kala tashanayaan maamulka ku meelgaarka ah ee ka dhisan magaalada Kismaayo oo marar badan iyagu naftoodu ku baaqay in la dedejiyo arrimaha maamulka loogu samaynayo deegaanada Jubbooyinka & Gedo.
Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyey , iyadoo magaalada guddaheeda laga dareemayo ciidamo xoogan oo sugaya ammaanka, isla markaana aad u kontaroolaya meelaha laga soo galo magaalada.
Readers Comments (0)
Comments are closed.

