Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Filed Under:  Latest News

MAXAA KU DHACAY AXMED MADOOBE HILMAAN MISE HURDO?

27th December 2012   ·   0 Comments

Minneapolis-GGNews:Inqilaab aan dhiig ku-daadan ayaa maanta ka dhacay Magaaladda Kismaayo,kadib markii Magaaladda ay soo gaareen Wefdi Wasiiro iyo Saraakiil Jabuutiyaan u badan oo ka wakiil ah Dawladda Xasan Culusoow Guurguurte.

Wasiiradan ayaa la kulmay Ciidamadda Dawladda waxayna ku wargeliyeen inay u qeybinayaan mushaarkooda muddo dhawr-bilood ah,iyagoo ku wargeliyay in hadda kadib si toos ah ay amarka uga qaadayaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne.

Gudoomiyihii Raaskambooni ahna ninkii Magaaladda Kismaayo xoreeyay ee wiilasha badan uga dhinteen Axmed Madoobe ayaa hadda ku soo baraarugay in Magaalada inqilaab aan dhiig ku daadan laga wareegay,iyadoo durba Magaaladda laga taagay idaacada(Radiyo-Muqdisho)oo noqoneysa Idaacadda 2aad ee ku hadasha afka Dawladda,iyadoo maalmahan si dhuumasho ah magaladda looga furay Idaacad lagu magacaabo (Bar-Kulan)uu ka furay nin lagu magacaabo Eng-Yariisoow oo kaalmo ka helaya Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Ambassador Ameeriko.

General Darwiish iyo Professor Gaandi oo ka mid ah Madaxdii qorshaynaysay inay dhisaan Maamulka Jubbaland ayaa khadka Teleefoonka ku canaantay Axmed-Madoobe inuu ku deg-degay inuu Magaaladda ku soo dhaweeyo 4-tan Wasiir iyo Saraakiisha Jabuutiyaanka ah,maadaama Wasiiradan iyo Dawladda ay ka wakiilka yihiin ay dagaal hoose kula jirto Maamulka magaaladda ka arimiya hana soo horjeedaan maamulka ay dhisanayaan dadka deegaanka ee Jubbaland-State

By

Readers Comments (0)