Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Filed Under:  Latest News

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Jaamacadaha Bariga Afrika Iyo Mugadisho Ee Magaalada Boosaaso “Sawirro”

28th December 2012   ·   0 Comments

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland  Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa maanta booqasho ku tagay Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Muqdisho.

Booqashadan uu ku tagay madaxweynaha Puntland qaar ka mid ah jaamacadaha ayaa kulan la qaatay Maamulka iyo Ardeyda wax ka barta labadaas Jaamacadood iyagoo warbixin ka siiyey maamulka  xaalada waxbarasho kuliyada iyo tirada ardeyda dhigata iyo weliba kuwii baxay.

Khudbad ayuu ka jeediyey madaxweynuhu Jaamacadahaas isaooga sheegay in waxbarashada sare  dalka u horumarey maadaam xiliyadii hore dibada loo aadi jirey, isagoona soo dhoweeyey dadaalka ay sameyeen aqoonyahanada Soomaliyeed oo furey jaamcadaha.

”Waxaa idinku jira madaxdii dalka hogaamin lahayd beri ,si aada hadaba u gaartaan waxa la idinka doonayaa in aad muujisaan dadaal dheeraad ah iyo firfircooni si aad u anfacdaan dadkiina iyo dalkiina” ayuu kula dardaarmey Farole.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaadey nidaamka axsaabta badan oo Puntland dooneyso in ay uga gudubto habka wax ku qaybsiga qabiilka in badana lagu soo dhaqmayey ,waxana uuna xusay in dhalintu ay yihiin kuwa ugu badan ee ka faa’ideysanaya hirgelida Axsaabta iyo ururada siyaasaded Puntland.

 

 

 

Xigasho Sawirada: SBC

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

By

Readers Comments (0)