Xasan Daahir Aways Xagee Ku Danbeeyey !!!
28th December 2012 · 0 Comments
Dadka qaraabada la ah iyo saaxiibada hoggaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegaya in uu dhufays ka dhigtay Baraawe, ayna ku hareeraysan yihiin dad isaga la jira oo qabiilkiisa ah, kaddib markii uu ka badbaaday dhawr shirqool oo isku day dil ah.
Imaan Nuur oo 22 jir ah Awaysna la jaal ah, ayaa sheegay in hoggaamiyuhu uu ugu yaraan ka badbaaday illaa shan isku day dil ah labadii usbuuc ee la soo dhaafay, taas oo ku kaliftay inuu qabiilkiisa gabbaad waydiisto. Nuur ayaa sheegay in dad ka tirsan al-Shabaab ay isku dayayaan inay ka hor istaagaan hoggaamiyayaasha aan xag-jirka ahayn sida Aweys oo kale in ay wada hadal nabadeed la galaan dawladda cusub.
Isku daygii ugu dambeeyay wuxuu dhacay Nofeembar 28-keedii markii dagaal yahaniinta al-Shabaab ay ku bartilmaansadeen gaadhiga Aweys qalabka waxyaabaha qarxa ah oo meelaha fog laga hago isaga oo socday waddada wayn ee Baraawe, oo 170 kiiloomitir koonfurta kaga aadan Muqdisho.
Qof gaadhiga ku jiray oo waxyeelo soo gaadhay ma jirto, laakiin firirkii bambada ayaa waxyeelo gaadhsiiyay gaadhiga, sida uu sheegay Maxamed Cusmaan Caruus, oo ah dagaalyahan hore oo al-Shabaab ah, qaraabana la ah Aweys.
Xisbul Islaam ayaa ka baxay al-Shabaab bishii Sebteembar, iyaga oo sheegtay kala duwanaan xagga fikradaha ah iyo isbaddalada siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.
Sagal Khalif Cabdi oo Baraawe dagan, 49 jirna ah, ayaa sheegtay in awood isku sheegashada ka dhaxaysa al-Shabaab kuwa la jaalka ah iyo kuwii ka tagay kooxdan al-Qaeda la bahawday ay abuurayso dagaanaansho la’aan iyo dhiig badan oo qubta.
Waxay sheegtay in dagaal yahaniinta la xidhiidha hoggaamiyaha al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo loo yaqaano Mukhtar Abuu Zubayr, ay ku soo rogeen xakamayn adag meelaha waqooyiga iyo koonfurta ah ee magaalada Baraawe laga galo.
“Mid ka mid ah la taliyayaasha Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Muqdisho aaday, si uu ugu booriyo duqayda qabaailka in ay dhexdhexaadiyaan, wada xidhiidhna ay u sameeyaan Aweys iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,” Cabdi ayaa sidaas yiri.
Tani waxay timid kaddib markii dhawr jeer uu dagaal iyo khilaaf xooggani dhex maray labadii markii hore jaallaha ahaa ee Aweys iyo Godane, Cabdi oo ay isku qabiil yihiin Aweys ayaa sidaas yiri.

