Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Filed Under:  Latest News

Wafti Booqday Sanaag +Sawiro

28th December 2012   ·   0 Comments

Badhan:(GalGalanews) Wasiiro ay ka mid ahyad Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska PL ayaa Booqatay Sanaag Degmooyin ka tirsan waxana waftigaasi Hogaaminayay oo Gobolka ku Soo dhaweeyay Gudoomiyaha G/Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon.

Xaalimo Xaaji Xasan oo ah Wasiirka Haweenka, iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caasha Maxamuud, iyo Agaasimaha Waaxda Daryeelka Dadka Talaabasan iyo Masiibooyinka Ladan Cabdi Faarax, sidoo kale waxa la socday Xidhiidhiyaha Wasaaradda ee Gobol Luula Jaamac Nuur.

Ujeedka Waftigaasi ayaa ahaa inay Kormeerayeen Guud ahaan Gobolada ay ka Kooban tahay PL horay waxay u soo Booqdeen Gobolada Nugaal, Bari,Karkaar iyo Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon oo Waftigaasi intii ay Socdaalka ku Jireen la socday ayaa u sheegay warbaahinta in si aad ah ay u Xog waraysteen Dad weynaha Gobolka ku dhaqan.

Waftigaasi ayaa Tegay Magaalooyin ay ka mid ahaayeen,Badhan,Hadaaftimo,Ceelbuh iyo Xingalool waxana ay Magaala kasta oo ay Booqdaan kula Kulmayeen Guurtida iyo Maamulka Deegaankaasi.

Waa Waftigii Sadexaad ee yimaada Sanaag Mudo Bil Gudaheed ah waxana dhawaan iska daba Yimi Wasiiro Amniga qaabilsan, iyo Kuwa Waxbarasha kuwaasi oo Lugta Galiyay Degmooyin Sanaag Hoos yimaada.

GalGalanews.com

Badhan-


By

Readers Comments (0)