Nabadoon Cusub oo lagu caleemo saaray tuulada San-Barwaaqo ee Gobalka Karkaar(Sawiro).
29th December 2012 · 0 Comments
Shir socdey 25-27/11/2012 oo ay yeesheen beesha Camir Maxamed/Cismaan Maxamuud Gaar’ahaan Beesha reer Axmed, kana dhacay tuulada San-Barwaaqo oo 10km u jirta Magaalada Qardho ee caasimada Gobalka Karkaar, Ayaa waxaa lagu caleemo saaray Nabadoon Cabdi mirood Madaxey, Kadib markii uu geeriyoodey Nabadoonkii hore Allaha u naxariistee Mirood Madaxey Maxamed,
Nabadoonkaas oo siweyn looga yiqiinay dhamaan Gobaladda Puntland, Gaar’ahaan gobalada Nugaal,Karkaar , Bari iyo Sanaag, Nabadoonka geeriyoodey ayaa xilka nabadoonimo soo hayey mudo 60-sano ku dhow, Wuxuuna geeriyoodey sanadkii 2003.
Intaa kadib beesha reer Axmed Nabadoonka ay xilka u dooratay oo ah Nin uu dhalay nabadoonkii hore ee geeriyoodey, Kaas oo ah nabadoonka cusub mid qalma masuuliyada la saaray, kana shaqaynaya nabadaynta degaanka beesha, darisyada kale ee la nool iyo dhamaan degaanada Puntland,
Caleema Saarka nadoonka cusub ayaa waxaa kasoo qayb galay dad iskugu jiray Samadoono,Odayaal,Aqoonyahan,Wax garad,Dhalinyaro , Haween iyo Masuuliyiin waxaana nabadoonkan laga soo dhaweeyey dhamaan degaanada Puntland, Sidoo kale Beeshu waxay rajaynaysaa in dhamaan degaanada Puntland ay gacan kusiiyaan hawsha loo igmaday nabadoonka cusub. Shirkan lagu caleemo saaraayey Nabadoonka cusub ayaa ku idalaaday jawi aad u qurux badan.
Hoos ka daawo Sawirada Nabadoonka:-
By Editor




























