Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Filed Under:  Latest News

Ururka Ardayda Reer Sanaag Ee Uganda Oo Qabtay Xaflad Isugu Jirta Qalin Jabin iyo Xil Wareejin + Sawiro

30th December 2012   ·   0 Comments

Kampala-GGN- Waxaa Habeenimadii Xalay ahayd Ka dhacdayda Hoolka SHirarka iyo Daraasaadka Ee Equtorial Hotel Xaflad si Heer sarre ah loosoo agaasimay Waxaana Kasoo Qayb galay Siyaasiyiin, Aqoonyahayno, Gudoomiyaha Dalada Guud ee Ardayda Soomaaliyeed iyo Gudoomiyayaasha Jaamacadaha Waxaana Soo Qaban Qaabiyay Ururka Sanag-Somali Students Association

Aayadaha Quraanka iyo Qawlka EEbe Ka dib Waxaa Xaflada Si Toos ah U Furay Gudoomiyaha Jaaliyada Maakhir ee Dalka Ugan Mudane Maxamed Aadan Ciise (Jagac) Waxaa Uu Gudoomiyahu Qiray Inay Caawa Somali Guul U tahay In Xafladan loo Qabtay 40 Arday Oo  Reer Maakhir ah Kuwaas Oo Sanadkan Ka qalin Jabiyey Jaamacadaha Kala duwan Ee Dalka Uganda Waxayna Ardaydaasi Isugu Jireen heer Master iyo heer Bacholar

Intaas Kadib Waxaa Madasha Lagu soo dhaweeyey Gudoomiyihii Xilku Ka Idlaaday Ee Mudada Sanadka ah Soo Talinayey Mudane Adbirsak Ahmed Sicid ( Qaraaje) Madaxweyne Qaraaje Waxa Uu aad Ugu Dheeraaday waxqabadkiisii isaga oo sheegay inay Guul ka Gaareen Arimihii Loo Igamaday

Waxa Uu Xusay Madaxweynuhu inay Ururku ay Marti geliyeen Shirweynihii Jaaliyadaha Maakhir Ee East Africa Shirkaasoo looga arinsanayey Marxalada Gobolada Maakhir Ee Sanaa, Hayland, Bari iyo Jubooyinka Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa sheegay Mudadii Uu Xilka hayey In Ururku Uu Arday Reer Sanaag ah oo Gaaraya ilaa 6 arday ay kabixiyeen Lacagtii Jaamacadaha Taasoo keentay in Arday Reer Sanaag aanu Weli arima la xiriira dhaqaalah xume [Financail Problem] Marnaba aanu uga harin Hamigiisa Wax-barasho.

Abdirahman Hassan Yusuf Oo Ku hadlayey Magaca Ardayda Qalin jebisay ayaa sheegay inay caawa sharaf Weyn U tahay Xafladan Uu Ururka SASSA U Qabtay Arday Soomaliyeed Ee Rer Maakhir Taasoo ah Wax Lagu faani Karo sidoo Kale Cabdiraxmaan ayaa Ka sheekeeyey Tirada Ardayda Qalin Jabisay isaga oo sheegay in sanadkan ay qalin Jabiyeen 40 Arday Oo Reer Maakhir ah Kuwaas Oo Badan kooduna Ku wajahan yihiin Gudaha Somalia Si ay U bad baadiyaan Dalkooda Hooyo oo hada Dabayl iftiini ay kasoo Baxayso.

Madaxweynaha Ardayda Somaliyeed Ee Dalka Uganda Mudane Abdirashid Maxamud Shabel ayaa Soo dhaweeyey Ardayda Reer Maakhir Ee Qalin Jabiyey Madaxweynaha SSU Ayaa sheegay in ay Mudan Tahay in lagu Faano Afartii Arday  Ee Ku Baasay First Class Ee Somali oo dhan Uga Qalin Jabiyey Jaamacadaha Uganda ay 2 kamid ahi Kasoo Jeedaan Gobolka Sanaag ayna Kala Yihiin Abdirahman Hasan Yusuf iyo Ahmed Hasan Yusuf Wuxuu Madaxweynuhu Intaas Raaciyey In ardayda Reer Sanaag Ay kaalin Aad u weyn Ugu Jiraan Adardayda Soomaliyeed Ee Uganda .

Musharax Madaxweynaha Somali Student Union SSU Mudane Mohamed Ahmed Warsame (Shirdon) ayaa isna Madasha ka Hadlay isaga Oo Sheegay inay Caawa Reer Maakhir iyo Soomaali weynba u tahay Ciid Maadaama ay Xafladan ku Qalin Jabinayaan Arday Somaliyeed Kuwaasoo U hanweyn Inay Qayb weyn Ka noqdaan Horumarka Dalka Somalia

Shirdoon ayaa Sidoo Kale Amaan iyo Bogaadin Usoo jeediyey Xukuumadii Xilku Ka idlaaday ee Uu Hor Moodka u ahaa Madaxweyne Abdirsak Qaraaje Waxuuna Sheegay inan Marnaba La ilaawi doonin Wax qabadkii ay Ka tageen  islamarkaana ay Taariikhdu Xusi doonta Kooxdaas. Sidoo kale Waxa Uu Soo dhaweeyey Madaxweynaha Cusub Ee Xilka la wareegay Mudane Ahmed Maxamud Jama isaga oo U dar daarmay Dulqaad, degenaan iyo dabacsanaan.

 

sidoo kale Mama Qaali oo ku hadleysay magaca haweenka Soomaaliyeed isla markaana si gaar ah ku hadashay afka haweenka Reer Maakhir ayaa ardayda soomaaliyeed ee reer maakhir ku aamaanta dhaqan wanaaga, hufnaanta iyo guusha ay ka gareen wax-barshada. Dhanka kale Mama Qaali waxay ardayda qalin jebisay ku dhiiri gelisay inay dalkoodi hooyo ku laabtaan isla markaana ka qayb qaataan dib u-dhiska ka socda dalka gaar ahaan ku biiraan tabarka saraakiisha militeriga soomaaliyeed lagu tababarayo dalalka Turkiga iyo Ruushka.

Sikastaba ha ahaatee Waxaa Madasha Soo Istaagay Madaxweynaha Cusub Mudane Ahmed Mahamoud Jamac oo inta Badan ay Khudbadiisa Sugayeen Ardayda Reer Maakhir iyo Soomaali weynba. Madaxweyne Ahmed Dheere Mahadnaq iyo Bogaadin Ka dib Waxa uu Meesha Kusoo Bandhigay One Year Planinng Programme Kasoo inta badan soo jiitay Marti sharafkii Madasha Joogay .

Madaxweyne Ahmed Dheere ayaa ah Arday Aad u Fir Fircoon Waxaana dadka aad u Yaqaanaa ku sheegaan inuu Yahay Muwaadin Jecel Horumarka iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed waxa uuna Xilal Kala Duwan kasoo Qabtay Jaamacada Uu ka dhameeyey Bacholarka Ee St. Lawrence University Waana Arday aad ugu dhex muuqda Ardayda Rer Uganda.

Ugu danbayntii Madaxweynihii Horre ee Xilku Ka Idlaaday Qaraaje Ayaa shahaado Sharaf Gudoonsiiyey Ardaydii Mudanka ahaa ee reer Sanaag Kuwaas oo in badan Wakhtigooda Geshay ka shaqaynta Danta Guud Sido kale Gudoomiye Ardayda Soomaaliyeed Ayaa isana Gudoonsiiyey Hadiyado Ardaydii Qalin Jabisay Ee Reer Sanaag

Waxaa Guntii iyo Gabagabadii Xafladaas Duco iyo Dar daaran Kasoo jeedin Mudane Abdulkadir Garaad Cabdulahi Caliciid Isaga oo Ardayda ku Amaanay Midnimada dhexdooda ah waxa uuna sheegay inay Hab iskaa Wax u qabso ah Ardaydu wax badan u Qabteen Garaadka Waxa uu Xaflada Kusoo Khatimay Duco

Sikastaba ha ahaatee Xafladan ayaa ayahayd Mid siweyn usoo Jiidatay Dadkii kasoo Qaybgalay Waxaana Sidoo Kale Khudbado Wax ku Ool ah Kasoo Jeediyey Xubno Kasocday Jaaliyadaha Maakhir Ee Wadamada Africa Sida Ethopia , Kenya iyo Sudaan Waxayna Kusoo Dhamaaday Xafladaasi Jawi Wanaagsan oo  Leh Niyad sami

 

By. Shirdoon

By

Readers Comments (0)