Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Filed Under:  Latest News

Fawziya maxay London u timid(Sirta waa laguu hayaa iyo M/weyne Xasan Culusoow oo London ku soo wajahan )

31st December 2012   ·   0 Comments

Wefdi hordhac ah oo ay hogaaminayso R/wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Fawziya Yuusuf ayaa soo gaartay Magaaladda London,iyadoo u gogol-xaareysa safar la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow Guurguurte inuu ku yimaado Dalka IngiriiskaMadaxweynaha ayaa la filayaa in 3-bishan uu soo gaaro Magaaladda London,isagoo hogaanimaya Wefdi ka tirsan Wasiiradda uu ku kalsoon-yahay,wuxuuna casumaad rasmi ah ka helay Dawladda Ingririiska iyo Reysalwasaare David Cameron.Dawladda Ingiriiska ayaa qorsheynaysa inay ka dhaa-dhiciso Madaxweynaha Soomaaliya inuu wada hadal la galo Maamulka Somaliland si ictiraaf loo siiyo Maamulka Hargeysa aftina looga qaado Baarlaamaanka Soomaaliya inay aqoonsi-buuxda siiyaan Maamulka Somaliland oo doorashadii Madaxweyne Xasan Culusoow ku bixiyay aduun-gaaraya 5-Malyan oo Doolar,heshiisna kula galay in Wasaaradda Arimaha Dibada loo magacaabo Fawziya Yuusuf oo qadiyadda Somaliland ay aad ugu weyn-tahay lana filayo inay ka dhabayso sidii loo aqoonsan-lahaa Maamulka ay ka tirsan-tahay ee Somaliland.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Siilaanyo iyo Wasiiradda arimaha Dibadda Fawziya ayaa hadda Hotel ku-yaal Magaaladda London ku wada sugan,waxayna ka wada arinsanayaan sidii Madaxweynaha ay lacagta ay ku bixiyeen Somaliland doorashadiisii inuu markan ugu abaalguddo in ictiraafka Somaliland laga wada shaqeeyo

By

Readers Comments (0)