Eng: Faysal Xawar oo loo aqoonsaday shakhsiga sanadka 2013
1st January 2013 · 0 Comments
Codayn ka dhacay shalay Barta Internetka ee xarunta Galgalanew ayaa looga dhawaaqay in Eng: Faysal Xawar uu noqoday shaqsiga sanadka ee ugu wanaagsanaa waxqabadka iyo horumarinta deegaanka Maakhir.Galgalanews ayaa u aqoonsatay Eng: Faysal Xawar, oo ah aas aasaha iyo Horumarinta Maakhir Resources Company {MRC} inuu yahay qofka mudan abaalmarintaa.
Kadib markay soo afjarantay daraasadii iyo xog ururinta mashruuca dekedda Laasqoray ee mudaddaba ka socotay magaalada marsada ah ee Laasqoray, taasoo ay waday shirkada Maakhir Resources Company {MRC} oo uu hogaamiye ka yahay muwaadin reer Laasqoray Eng. Faysal Xawar oo usoo ban baxay ka midho dhalinta riyada reer Maakhir ee ku beeggan in mar uun la dhiso Dekedda.
