Cadami oo Buuraha GalGala ka Hadlay [DHEGAYSO]
10th January 2013 · 0 Comments
Hargaysa:(GalGalanews) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ee Somaliland Axmed Xaaji Cadami oo Waraysi siinayay Warbaahinta Gudaha Ayaa sheegay inay Khatar ku tahay Jamhuuriyada Somaliland Kacdoonka Al-Shabaab ee Buuraha GalGala ka Aloosan.
Waxa uu ka halday Rabshadihii Deegaanka Saylac ka dhacay isaga oo ku Tilmaamay wax laga xumaado, hase ahaatee wuxuu difaacay mar kasta Ciidanka isaga oo ku tilmaamay inay Ciidanku Qaranka Difaacayaan.
Cadami ayaa xusay in is-kaashi buuxa ay iyaga iyo PL ka leeyihiin soo Af-jarada Ciidamada Al-Shabaab ee ku dhuumanaya Buuraha GalGala
Hadalkan Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili Dolwada PL ay Ugaadhsanayo Firxadka Al-Shabaabka Buuraha GalGala Kuwaasi oo Xadhaagoodii lagu Arkay Buuraha GalGala ee kulaalaya Magaalada Ganacsi ee Bosaaso.
Codka Wasiirka Hoos ka Dhegayso.
Wasiirka Gaashaandhiga ee Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami
Readers Comments (0)
Comments are closed.
