Ciidamada Daraawiishta Puntland oo hawl-gal ay ku sifaynaayaan Al-shabaab kawada Buuraha Golis.
17th January 2013 · 0 Comments
Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa bilaabay hawgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku dhumaalaysta Buuralayda Calmadow ee Puntland, Ciidamada ayaa hawgaladan si rasmi ah u bilaabay Mudo Labo maalmood ka hor ah waxayna sheegayaan inay ka gaareen guulo la taaban karo iyagoo la wareegey fariisimo Muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahayd Buuralayda Gobalka Bari ee Puntland,
Taliyaha Ciidamada Darawiishta ee aaga Buuralayda Calmadow Col:- Jaamac Saciid Warsame (Afgaduud) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inya ciidamadu si rasmi ah u bilaabeen hawgalo baaxad oo ay kooxda argagixisada kaga sifaynayso dhulka Puntland gaar’ahaan Buuraha calmadow oo la sheegayey inay wayadii u dambaysay si aada ugu soo badanaayeen, Taliye Afgaduud ayaa sheegay inay Gacanta ku dhigeen Saldhigyo ay lahayd kooxdan katirsan Al-shabaab ayna sidoo kale gacanta ku dhigeen agab Muhiim oo ay kooxdani ka carartay,Taliyaha Ayaa sheegay inay kooxdani ukala firxatay buuraha ayna ciidamadu weli sii cayrsiinayaan firxadkoodii, Wuxuuna wacad ku maray inaysan ka hari doonin illaa ay ka sifeeyaan degaanada ay ku sugan yihiin, Taliye Afgaduud waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyey inay Dhawaan soo afjari doonaan Kooxdan katirsan Al-shabaab,
Wasiirka Warfaafinta Puntland oo isaguna ka hadlay Hawlgaladan ayaa ku tilmaamay hawlgalo si rasmi ah bilowday oo ay Dawladu ku go’aansatay inay Buurahan kaga sifayso kooxdan Mudada dheer ku dhuumalaysanaysay buuraha calmadow amnidaradana ka gaysta degaanada Puntland, Wuxuuna sheegay inaysan Hawlgaladani joogsan doonin illaa Buuraha Calmadow laga sifeeyo kooxaha Al-shbaab.
Wararka madaxa banaan ee aanu ka helayno Buuraha Golis ee ay ciidamada Puntland ka wadaan hawlgalada ayaa sheegaya inaysan ciidamada Puntland weli la kulmin iska caabin sidaas u weyn ayna kusii durkanayaan saldhigyada ay kooxda Al-shabaab ku lahayd buuraha Golis waxayna wararku intaas ku darayaan in kooxdaasi ay u cararaayaan degaanada kayma ah ee Buuraha calmadow, Hawlgalada ay Dawlada Puntland ka bilowday degaanadan ayaa kusoo aadaya xili ay dhawaan Al-shabaab ku hanjabtay inay la wareegi doonto Dhulka Puntland ayna ka taagi doonto calankeeda Madow.
Galgalanews.com
By Editor




