Talo siinta dawladda By Ibraahim M H Huruuse
25th January 2013 · 0 Comments
Waxan soo dhoweynayaa aqoonsiga dawladda Maraykanku siisay dawladda Soomaaliya .
Waxan markale ku faraxsanahay anigoo ah Soomaali American in dawladdaydii labaad noqotay dawladdii ugu horeeysey ee aqoonsata dawladda Somaliya taasoo aan u malaynayo in somaalida maraykanku qaybkaqaateen arintaa. Waxan dawladda Somaliya odhanlahaa
1-Marka aydin ka hadlaysaan guulaha aynu gaadhney waa inaad xustaan dawladdii Kumaeelgaadhka ahayd iyo dadkii lashaqeeyey sida Puntland oo kale kuwaas oo suurta geliyey in aynu kumeelgaarkii kabaxno Salaan Carabey waxa laga hayaa Waxba yaanu xeerkay imarin Xoolana isiine Xaashaa e nin libinkaa xastiyey xumihi waa yaabe.
2-Marka laleeyahay Masuuliinta dawladdu hawada muuqdeen macneheedu maaha hays qabteen waa ninkastii shaqadii loo idmaday haqabto siloo arko awood qaybsigii lagu heshiiyey 3-arimaha Jubbaland waa lagama maarmaan in dawladdu doorku lahaato belse yaan latuuriin shaqadii ay dawladdaha derisku inoosooqabteen arintuna yaanay u ekaan Xiligii dagaal oogasha oo Gobolada Jubbooyinka lootartami jirrey
