Garoowe:-Golaha Sare ee Xisbiga Horseed oo la Doortay
1st February 2013 · 0 Comments
Garoowe:(Galgalanews) Goor dhawayd ayaa lagu Dhawaaqay Golaha Sare ee Xisbiga Talada haya ee Horseed,waxana u Codeeyay Dhamaan Ergooyinkii Shirkaasi Joogay.
Madaxwaynaha PL Dr C/raxmaan Faroole ayaa loo Doortay Gudoomiyaha Golaha Sare ee Xisbiga,Halka ku Xigeenka Koowaad loo Doortay Gen C/samad Cali Shire,ku Xigeenka 2-Aad ayaa loo Doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirs, Xooghaya Guud ee Xisbiga ayaa loo Doortay Gen C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir.
Sidoo kale Madaxwaynaha PL ayaa u Mahadceliyay Guud ahaan Ergooyinka waxana uu ku Dhawaaqay in Golaha Dhexe ee Xisbiga oo Tiradoodu ahayd Awal 185 Xubnood la Kordhiyay oo laga Dhigay 250- Xubnood.
Dr C/raxmaan Faroole ayaa xusay in Laba Barri la Nasandoono isla markaana Maalinta Afraad dib loogu soo Noqondoono Hoolka Jaamacada PSU halkaasi oo lagu Doorandoono Golaha Dhexe oo ka Kooban 250-
Docda kale Gudoomiyaha Xisbiga ayaa isla maalintaasi ku Dhawaaqay ama Magcaabaya Golaha Fulinta oo ka Koobnaandoona 25- Xubnood kuwaasi oo ay Macquul tahay inay ka soo Dhex Muuqdaan Golaha Dhexe ee xisbiga iyo Xukuumadaba.
GalGalanews Kala Soco Wararka Saacad Saacad
Readers Comments (0)
Comments are closed.
