DHEGAYSO:- Waraysi Saadiq Eenow Gudoomiyaha KMG ee Ururka Midnimo
1st February 2013 · 0 Comments
Garoowe:(GalGalanews) Waraysi ayaa laga Qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee Ururka Midnimo kaasi oo Dhawaan Shirwayne ku Qabanaya Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland
Enow ayaa sheegay in Ururkoodu uu Rajaynayo inay ku Soo baxaan Doorashada Golayaasha Deegaanka isla markaana ay Shacab badan ka helayaan 8-Gobola ee Puntland.
Ururka ayaa ah kan Labaad ee Ku Xiga Xisbiga Dowlada Marka laga hadlayo Dhanka Loolanka uu ka Abaabulay Gobolada Puntland.
Furashada Laamaha ee Gobolada iyo Shirwaynaha Midnimo.
Ururka Midnimo ayaa dhawaan Shirwayne ku qabsanaya Magaalada Garoowe waxana soo Qul Qulaya Ergooyinkiisa ka kala Yimi gobolada iyo Degmooyinka, Sida lagu helayo Ilo wareed dhawaan ayay qabsan Shirwayne Balaadhan.
Sidoo kale Laamo ayuu ka Furtay inta badan Gobolada PL, Magaalada Badhan ee G.Sanaag ka Tirsan ayaa ka mid ah Meelaha sida aadka laysaga Diiwaan Galiyay oo uu Taageerayaal badan uu ku leeyahay.
Waraysigan Hoos ka Dhegayso.
