Midowga Afrika oo Sheegay in Al-Shabaaba ay u soo Guureen Somaliland iyo PL
2nd February 2013 · 0 Comments
Adis-Ababa:(GalGalanews) Midowga Afrika ayaa sheegaya in Al-Shabaab oo looga Awood Roonaaday Gobolada Koonfurta Somaliya ay gabaad ka dhigteen Gobolada PL iyo Somaliland.
Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mahamet Annadiff Saleh ayaa sheegay in Kooxdaasi markii lagu Jabiyay Koonfurta Somaliya ay Dhuumalaysi ku Galeen Xuduudaha Somaliland iyo PL ay wadaagaan.
Hadalkan ayaa imanaya xili WasiirkA Arrimaha Gudaha Somaliland uu Sheegay in Al-Shabaaba y Ku soo qul qulayaan Somaliland,waxa uu xusay inay Cafis u Fidindoonaan Dhalinyarada Reer Somaliland ee la Marin Habaabiyay ahse ahaayee wuxuu Meesha ka saaray in Raga ugu Caansan Al-Shabaab ee Somaliland ka Jeeda ay Galeen Danbiyo Caalami ah isla markaana aan Marnaba La Cafiyi Doonin
GalGalanews
