Garoowe:- Nuxurka Khudbadii Dr Saadiq Eenow
2nd February 2013 · 0 Comments
Garoowe:(GalGalanews) Shirwaynihii Koowaad ee Ururka Siyaasiga ah ee Midnimo ayaa Maanta ka Furmay Magaalada Garoowe ee Caasimada PL, Shirwaynahaasi oo ay ka soo qayb Galeen inta badan Ergooyin kala metelaya Gobolada PL ayaa lagu qabtay Hoolka Jaamacada PSU.
Khudbad uu Jeediyay Dr Saadiq Eenow oo ah Gudoomiyaha Ururkaasi ee KMG ah ayaa sheegay in Ururkan Hadafka loo Aas Aasay ay tahay in Buslshada Reer Puntland ay Gaadhsiiyaan Barwaaqo iyo Cadaalad.
Arrimaha Jubooyinka.
Arrimaha Maamul u Samaynta Jubooyinka ayuu si dheer uga hadlay Gudoomiyaha KGM ah ee Ururkaasi wuxuu taabtay inay ka Urur ahaan taageersan yihiin Nidaamka maamul Goboleedka Loogu Yagleelayo Gobolada Jubooyinka.
Dr Eenow yaa docda kale ka hadlay in Ururkooda ay u badan yihiin Dhalinyaro Aqoonyahano ah oo ka Bad-Baaday Dhibaatadooyinkii Somaliya ku Bur-Burtay ee ahaa Qabyaalada.
Gudoomiyaha ayaa xusay in Ururka Midnimo ay si wanaagsan isaga dhex arki doonaan dadka Aan Codkoodu Muuqan ee aan Siyaasada Kaalin Muuqata ku lahayn waa sida uu hadalka u dhigay.
Maalinta Barri ah ayuu soo xidhmayaa Shirwaynaha 1-Aad ee Ururkan waxana lagu wadaa in lagu Doorto Xubnaha Golaha Dhexe iyo Golaha Sarre ee Xisbiga.
GalGalanews.com
