Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Filed Under:  Latest News

Ciidamada Dawlada Somaliya oo garabsanaya ku Itoobiya oo ku sii durkaya dagaanka iidale iyo Diinsoor

20th February 2013   ·   0 Comments

Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Itoobiya oo maalmahanba howlgalo milateri ka waday degaaano ka tirsan nawaaxiga  magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegay iney horumar balaaran sameeyeen .

Sarkaal ka tirsan saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Bay ayaa warbaahinta u sheegay in labadii maalmood ee ugu dambeysay ay Al-Shabaab ka saareen tuulooyin ku yaala hareeraha Baydhabo oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada.

sarkaalka hadaladiisii waxaa ka mid ahaa

“Ciidamadu markii ay nabadiidka ka sifeeyeen hareeraha Baydhabo, waxay hadda cagta saareen wadada u baxda dhinaca degaanka Iidaale iyo degmada Diinsoor oo weli cadowgu uu joogo, maalmaha soo socdana gacanteena ayey soo geli doonaan INSHA ALLAAH” ayuu intaa ku daray.

Xasan Isaaq Cumar (Baydhabo) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay intii ay wadeen howlgalada iney dileen dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo qaarkood caan ahaa, meydkoodana la geeyey magaalada Baydhabo, isagoo xusay in dhinacooda ay ka dhaawacmeen dhowr askari.

Al-shabaab illaa hadda kama hadlin howlgalada ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ka wadaan duleedyada magaalada Baydhabo iyo degaanada kale ee ka tirsan gobolka Bay oo maalmahanba ay

xiisadaha dagaaal iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ay ka jireen.

wixii ka soo kordha kala soco  boga  galgalanews.com

By

Readers Comments (0)