Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Filed Under:  Latest News

Dr Saadiq Eenow oo Tegay Sanaag

21st February 2013   ·   0 Comments

Badhan:(GalGalanews) Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Midnimo Dr Saadiq Eenow ayaa Galabta Gaadhay Degmada Badhan ee G/Sanaag Halkaasi uu Uurukiisu ku leeyahay Taageero Baaxadleh.

Shacab badan ayaa Gudoomiyaha iyo Xubnihii la socday ku soo dhaweeyay Banaanka Hore ee Magaalada Badhan,waxana uu u sheegay inuu Maalmo Joogayo Degmada Badhan isaga oo Kulamo Hoose iyo dhex Gal Wanaagsan la Yeelandoona Qaybaha kala Gadisan ee Bulshada.

Maalinta Barri ah ayaa lagu Wadaa inuu Gudoomiyihu Hadal ka Jeediyo Shir ay Bulshada la yeelanayaan waxana ku sugan Badhan Madaxda Xafiiska G/Sanaag uga Wakiilka ah Ururka Midnimo.

Ururuka Midnimo ayaa Taageero Ku leh Gobolka Sanaag,waraysi uu dhawaan Siiyay Idaacada  Radio Sanaag ee Badhan ku Taala ayuu ku Sheegay inuu Booqasho ku imandoono Gobolka Sanaag.

 

 

By

Readers Comments (0)