Maakhir State oo Dib Boodhka Looga Jafayo iyo Baaq Loo Jeediyay Isimada Warsangali Sawiro +DHEGAYSI
4th February 2012 · 0 Comments
Nairobi:-Xafladaani oo aheyd mid si hersare loo soo Agaasimay isla markaana lagu weyneenyay Maamulka Maakhir atate ayaa maanta galinkii danbe ka dhacday xarunta madiina mool ee bartamha Niarobi kaasoo ay ka so qeyb galeen xilibano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya sida Xilibaanad Caasha Axmed Abdalla,Cuqaal W/Garad Siyaasiyiin Ururada Haweenka Saxafiyiin kala matalyay laamaha kala duwan ee warfidiyeenada
Furitaankii Munaasibadaasi waxa hadal ka soo Jeediyya C/Nuur Sharmaake Maxamed Xaaji oo sheegay in Ujeedka Shirka loo qabtay ay tahay mid salka ku haysa sidii Jaaliayda Kenya loogu Sheegi lahaa in Isbedel baahsan lagu Sameeyay Xubnaha golaha iyo Baaq loo Jeedinayo Cuqaasha Deegaanka Sanaag Hayland Bari kuwaasi oo loogu Baaqayo inay Qaban Qaabiyaan oo Iclaamiyaan Shiwayne Balaadhan oo Aaya Ka Talin ah.
Caaqil Cabdi Nuur ayaa sheegay in 7-Xubnood la Magcaabay oo la Shaqaynaya Hogaanka Jaaliyada kuwaasi oo uu Xusay inay ka mid yihiin Haweenka qaar oo dadaal dheeraad ah Muujiyay.
Dadkii Hadlay Waxa ka mid ahaa:-
1-Ugaaska Daarood Ugaas Xasan Hilaali
2-Xubin Jaaliyada Yurub Dr Maxamuud Qaalib Siciid.
3- Gudoomiye Xigeen Maxamed Siciid Kurre
4- Nabadoon Qoobay oo Baaqii Isimada Akhriyay.
5-C/qaadir Khaliif Abdi-Nuur 7-Tuulo
6-Maryan Abdiwaxaadi oo Buraanbur Maakhir ah Jeedisay.
7- Jaamac Feyte oo Halday isna
Caasha Axmed Cabdala oo ku dheeraatay Hadalka ayaa u mahadcelisay sida wanaagsan ee loo soo qabanqaabiyay kulanka iyadoona shirka Engiriisku ku marti galinayo somalida ay ku tilmaamtay mid lagu mijaxaabinayo jiritaanka umada soomaaliyeed waxaana ay u jeedisay dhamaan xubnaha ugu sareeya maamulka Maakhir State in ay Dhiiri Galiyaan horumarka Maamulka kana taliyaan dib u dhiska Soomaaliya
Hadalkii Xildhibaanad Caasho Abdalla
Hoos ka dhageeyso Garaad jaamac Fayte
Hoos ka dhageeyso Buraanburka Maakhir State
Hoos ka dhageeyso Ugaas Hiilaali
Hoos ka dhageeyso Xubin Qurba joogta DR: Qaalib
Hoos ka dhageeyso codkii Seven tuulo
Hoos ka dhageeyso codkii Nimco
Hoos ka dhageeyso Baaqii Shirka Maakhir State
W/Q: Jaamac C/laahi C/nuur
Sawiro Dheeraad ah Hoose ka Daawo



















Podcast: Play in new window | Download
By Editor
Readers Comments (0)
Comments are closed.







