Dhalinyaro Soomaaliyed Oo ku dhibaateesan Xabsi ku yaala Xerada Ifo Ee waqooyi Bari Kenya
15th March 2012 · 0 Comments
In ka badan 14 dhalinyaro somaliyeed oo isugu jira wiilal Iyo gabdho ayaa habeenkii sadexaad ku xiran xabsi ku yaala xerada Ifo ee waqooyi bari dalkani kenya Kuwaaso sida ay Miltrigu sheegeen ay ku haystaan Sharci daro isla markaana ku xiranyihiin gudaha xabsiga
Qaar ka mid ah Dhalinyarada oo aan ku wareestay gudaha xabsiga xili Aan La xirnaa ayaa ii xaqiijiyay in ay daruufo ba,ani ku haysataan xabsiga gudihiisa walow ay jiraan dhalinyaro xirnaa 3 bilood hadana waxaa ay ka codsanyaan hay,adaha gargaarka in ay u soo gurmadaan dhalinta ku dhibaateesan gudaha xabsiga Ifo
C/lahi waxaa uu ka mid yahay dadka sharciga lahaa isla markaana la dhigay xabsiga sida uu yiri” waxaan sharci baan wataa mana aqaani waxa la iigu soo xiray illaa haatan” ayuu yiri ninkaan ku gaabiyay magaciisa C/laahi
Ugu danbeena waxaa ay dhalintu codsanayaan in sida ugu dhaqsiyaha badani loogu soo gurmado si ay ooga baxaan xabsiga mudada dheer ay ku jireen waxaana ku wehiliya xeeyn dumar ah oo iyaguna aanu noo suura galin in aan ka soo qaadno sawiro
Jaamac C/laahi c/nuur { Ukun}
By Editor
Readers Comments (0)
Comments are closed.
